Sign in to follow this  
Deeq A.

Wax Ka Faham Daawada (Qeybta 1aad)

Recommended Posts

Deeq A.   

Daawadu waa shay asaasi ah oo ka mid ah waxyaabaha nolosha lagama maarmaanka u ah, nooluhuna uu aadka ugu baahanyahay, ugana dhigan xilliyada qeybtood geeri iyo nolol.  daawadu waa hubka ugu badan ee dhakhaatiirtu u adeegsato la dagaalanka cudurada. Taariikhda daawadu waa dheertahay oo ilaa intii aadanuhu jiray, wax uun daawo ah baa jiray.

Warshadaha daawadu waxa ay ku jiraan kuwa ugu saameynta badan dunida siiba dalalka reer galbeedka, daawadana waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah waxyaabaha dunida lacagta ugu badan laga sameeyo. Dunida sedexaad lafteeda waxaa jira wadamo ganacsigooda ay daawadu qeyb libaax leh ka ciyaarto. Xuquuqda asaasiga ah ee aadanaha waxaa ka mid ah in uu qof walba xaq u leeyahay in uu helo daawo wax ka qaban karta cudurka haya.

Innaga soomaali ahaan daawadu waa mid ka mid ah waxyaabaha  ugu welwelka badan ee inta badan bulshada iyo bahda caafimaadkuba ka cawdaan, ha ahaato dhanka tayada, isticmaalka, dhibaatooyinka ay keento, qaababka khaldan ee looga  ganacsado iyo dadka aan aqoonta u lahayn oo ganacsigeeda u badan. Hadaba qoraaladan taxanaha ah waxa aan isku dayayaa in aan bulshada la wadaago xog wacyigalin iyo aqoon kororsi ah, oo aan kaga qeyb qaadanayo dedaalada bahda caafimaadku ay bulshada ugu adeegayso haddii alle idmo.

Qeexid

Daawada waxaa la siiyaa labo qeexitaan oo kala ah:

  1. Walax kiimikaad oo loo adeegsado ka hortagga, daweynta ama baaritaanka cudurada.
  2. Walax kiimikaad oo doorisa maanka (maan-dooriye).

Qeexitaanka hore waxa uu la xiriiraa daawada marka loo adeegsanayo daweynta cudurada, ka hortagga  iyo baaritaankooda. Qeexitaanka labaad waxa uu la xiriiraa daawada marka loo adeegsado in laga helo farxad iyo xaalad degganaansho, waana marka ay daawadu noqonayso maandooriye.

Dhib iyo Dheef

Daawadu waa seef labo af  leh, waxa ay leedahay waxtar iyo waxyeello labadaba. waxtarkeedu waa caan oo waa daweynta, ka hortagga iyo baaritaanka cudurrada, waxa ayse  keeni kartaa in bukaanka dhib fudud oo uu kasoo kaban karo gaarto ama in dhib  joogta ah ay gaarto sida kalyaha oo hawl-gab noqda,beerka oo waxyeelooba iyo in bukaanku dhinto. Daawada ugu dhibta yar ee la yaqaan waa barastamool (paracetamol) iyana qof waa dili kartaa haddii xadkeeda la dhaafiyo.

Ilaha Daawada Laga Helo

Daawada waxaa laga helaa  ilo dhawr ah oo ay ka mid yihiin uguna caansanyihiin

  • dhirta
  • Noolaha waaweyn(Lo’da iwm)
  • Noolaha ilma aragtayda ah(bakteeriyada,fanjiga iwm)
  • Macaadinta(iron,zinc,magnesium)
  • Iyo tan ugu badan oo ah daawada warshadaysan (synthetic).

Sidee Loo Sameeyaa Daawo?

Weydiintaan waxa ay innagu celinaysaa marka hore in aan fahamno daawo mucayin ah in ay daawo tahay sidee lagu ogaaday?

Siyaabaha ugu badan oo daawo, in ay daawo tahay lagu ogaaday waxaa ka mid ah kuwaan soo socda:

  1. Ku day: in nooluhu tijaabiyo geed, xayawaan kale, IWM isagoo caafimaad ka raadinaya adeegsigiisa.
  2. Dhaxal laga dhaxlay ummadihii innaga horreeyey oo facba fac u soo gudbiyey, dhaxalkaasi waxa uu noqon karaa qoraal tijaabo la xiriira ama waxyi.
  3. Sida casriga ah hadda oo ah in aadanuhu bartay cudurada iyo sida ay u dhacaan iyo cilmiga kiimikada oo markaa isku dhisyada kiimaad ee la bartay iyo cudurka la isku eego sida ay isugu habboonyihiin ama sida kiimikadu cudurka ay wax uga tari karto.

Hadaba, aadanuhu  marka uu walax mucayin ah uga shakiyo in ay daawo ahaan wax u tari karto, waxa uu mariyaa tijaabooyin, ilaa la xaqiijiyo in ay waxtar leedahay iyo in kale, tijaabooyinkaasina waxa ay u dhacaan sidatan:

  1. Sheybaar iyada oo la adeegsanayo in la ogaado daawadu in ay wax ka tari karto cudurka, halkaan waxaa la adeegsadaa unugyada cudurku asiibo iyo daawada, waana meesha laga ogaado sida daawadu ugu xirmayso jirka iyo qaabka ay u shaqeynayso. Sidoo kale waa xiliga daawada loo sameeyo qaab daaweedka ugu haboon sida:  kaniin, kaabsool,sharoobo;irbad iwm, kadib marka la diraaseeyo astaamaheeda muuqaaleed iyo kuweeda kiimikeed. Haddii daawadu marxaladaan inta ay ku jirto guuldaraysato halkaa ayaa lagu joojiyaa oo kharash iyo waqti danbe lama galiyo. Marxaldaan haddii ay daawadu ka soo gudubto inta aysan marxalada labaad u gudbin waa in laga helaa ogalaansho hay’adaha ay khuseyso sida hay’ada daawada iyo cuntada, wasaarada caafimaadka IWM inta aan noole lagu tijaabin, noolahaas noocuu doono ha ahaadee.
  2. Marka daawadu kasoo gudubto marxaladda koowaad, waxaa lagu tijaabiyaa noole, noolahaas oo ah marka hore xayawaanno yaryar sida jiir iwm, waana meesha lagu xaddido daawada dooskeeda( qiyaasta laga qaadanayo), wax yeeladeeda iyo in ay wax tar leedahay IWM. Haddii ay marxaladaan ku guuldarraysato halkaa ayaa looga tagayaa oo kharash iyo waqti danbe lama geliyo, haddiise ay ka gudubto marlaxaddaan waxaa lagu tijaabinayaa kooxo dad ah oo mar ba tirada la kordhinayo; si loo ogaado saameynta ay ku leedahay dadka sababtoo ah dadka iyo noolaha  kale waa kala duwanaan karaan dhanka dhismaha jirka iyo jawaab ka bixinta daawada labadaba. Haddii dawaadu ay marxaladdaan ka gudubto waxaa la galiyaa suuqa, waxaana si joogta ah loo qiimeeyaa waxtarkeeda iyo waxyeeladeeda, haddii ay dhib ka badan faa’iidadeeda keentana suuqa waa laga saaraa waana la joojiyaa saameynteeda xun awgeed.

Haddaba celcelis ahaan waxa ay qaadataa 7 sano ilaa 12 sano in daawadaasi suuqa kusoo gasho iyadoo waqti iyo maal fara badani ay ku baxeen.

La soco qeybta labaad.

W/Q  Cabdiwaaxid Maxamed Ismaaciil, Daawo yaqaan, bare maadadda cilmiga daawada(pharmacology), Jaamacadaha culuumta caafimaadka iyo Badda Cas.
Abdiwahidedu@gmail.com.

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this