Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Musharrax Xasan Xaaji “Safaaradda UK Ayaa Ku Dacweynay Villa Somalia”

Recommended Posts

Deeq A.   

Musharrixiinta la magac baxay isbedal doonka Koonfur Galbeed oo xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyay in ay faragalin ku heeyso doorashada maamulkaasi.

Musharrax Xasan Xaaji Ibraahim, oo kamid ah musharrixiintaas ayaa wareysi uu siiyay Masraxa Goobjoog News ku sheegay in doorashada madaxtinimada oo horay waqtigeeda loo shaaciyay in 17-ka bishani ay qabsoomayso aynaan suurtagal ahayn.

Wuxuu sheegay in ay jirto faragallin aan qarsoonayn oo dowladda federaalku ku heyso arrinta doorashada, iyada oo wadata musharrixiin gaar ah ayuu yiri.

Xildhibaan hore Xasan Xaaji Ibraahim ayaa sheegay in dacwadda ka dhanka ah faragallinta doorashada Villa Somalia safaaradda Britain ee Soomaaliya gaar ahaan safiir Devid Concar ay u wakiisheen kulan ay Baydhabo kula qaateen.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in walaac ay ka qabaan arrinka faragellinta isagoo daboolka ka qaaday musharrax Xasan Xaaji Ibraahim in wasaaradda arrimaha gudaha ay si weyn howsha doorashada ugu lug yeelatay.

Halkan Hoose Ka Dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/MUSHARRAX-XASAN-XAAJI-IBRAAHIM-11-11-2018.mp3

 

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this