Deeq A. Posted November 11, 2018 Gabahaarey ( Sh. M. Network )-Dibadbaxani oo ay ka qeyb galeen boqolaal dadweyne ah ayaa waxa uu maanta ka dhacay magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo. Banaanbaxa oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa looga soo horjeeday Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la sheegay in uu ku wajahan yahay magaaladaasi. Dibadbaxayaasha ayaa ku qeylinayay erayo ka dhan ah Madaxweyne Axmed Madoobe, kuwaas oo ay kaga cabanayeen maamulkiisa. Mid ka mid ah dadkii ka qeyb galay banaanbaxaasi ayaa Shabelle u sheegay in u jeedada ugu weyn ay tahay in aysan ku qanacsaneen hoggaanka Jubbaland. Xaaladda Garbahaarey ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana jira kulamo siyaasadeed oo si gooni gooni ah uga socda gudaha magaaladaasi. The post Dibadbax ka dhan ah J/land Oo ka dhacay Garbahaarey appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites