Deeq A. Posted November 11, 2018 Laascaanood ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in maleeshiyaad hubeysan ay maanta weerareen wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somalilanad Maxamed Kaahin oo ku sii jeeday deegaanka Dhumay ee gobolkaasi. Wasiir Kaahin ayaa l sheegay in uu u socday ka qaybgalka kulamo nabadeed oo deegaankaasi ay ka wadaan Waxagarad ka kala yimid Somaliland, Puntland iyo dowlad deegaanka Soomaalida ee Ethiopia. Illaa iyo hadda lama oga cida waxa ay yihiin maleeshiyaadka hubeysan ee weeraray wasiirka arimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin. Xariiro aan la sameynay maamulka gobolka Sool ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bixiyaan weerarkaasi. Balse waxaa haatan socda baaritaano dheeraad ah oo ay wadaan Ciidamada S/land oo lagu baadi goobayo Raggii ka dambeeyay dhacdadaasi. Muddooyinkii dambe waxaa gobolka Sool ka jiray xiisado u dhexeeyay maamullada Somaliland iyo Puntland. The post Wasiirka arrimaha gudaha S/land Oo lagu weeraray Sool appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites