Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo kulan deg deg ah la yeeshay taliyeyaasha ciidanka si weerarkii Saxafi wax looga weydiiyo + Sawiro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Shalay dalka dib ugu soo laabtay ayaa  kulan deg deg ah waxa uu Xarunta Madaxtooyada kula qaatay Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada Qalabka sida.

Madaxweynaha ayaa saraakiisha uu kulanka la qaatay waxaa ka mid ah taliyeyaasha Ciidamada,Millateriga,Booliska iyo asluubta,waxana uu kala hadlay xaalada amni ee dalka iyo qaraxyadii u dambeeyay ee ka dhacay Magalada Muqdishi.

Taliyeyaasha  ayuu Madaxweyne Farmaajo wuxuu faray in ay si dhakhso ah ula yimaadaan warbixin dhammeystiran oo ku saabsan amniga iyo qaraxyadii dhacay maalintii Jimcaha aheyd ee la soo dhaafay.

Weerarkii ismiidaaminta ku bilaawday ee lagu qaaday Hotelka Saxafi ee Muqdisho ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegtay Al-Shabaab,waxaana ku geeriyooday dad u badan Shacab.

Inta la xaqiijiyey illaa 40 ayaa ku dhimatay weerarkaas tiro intaas ka badana way ku dhaawacantay, waxaana sidoo kale banaanka hore ee Hotelka lagu toogtay dableydii weerarka soo qaaday.

Hoteelada ku yaal Magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyey amaankooda, waxaana soo wajahday cabsi xooggan kadib markii seddex qarax lagu weeraray hal Hotel taasoo muujineyso halka uu gaarsiisan yahay colaada ay Al-Shabaab kula jirto Hoteelada ay jiiftaan Madaxda Dowladda.

 

3-47.jpg 2-53.jpg 1-51.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this