Deeq A. Posted November 11, 2018 Jabuuti ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa maanta ka qeyb galay shirka Maayarada magaalooyinka dalalka Islaamka oo sanadkan lagu qabtay magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti. Shirkan ayaa waxaa marti-galisay Duqa Jabuuti Marwo Faadumo Cawaale Cismaan, iyadoona ay ka qeyb galeen Maayaro ka kala socday magaalooyinka dalalka Islaamka. Guddoomiye Yariisow oo khubad ka jeediyay shirkan ayaa marka hore uga mahadceliyay dhiggiisa Jabuuti martiqaadka ay u fidisay. Waxaana uu tilmamay in shirkani ahmiyad gaar ah u leeyahay dalka, gaar ahaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. “Shirkani waa mid ahmiyad weyn ugu fadhiya dalalka ku mideysan oo dhaafsanaya khibradaha dhanka Maamulka, tababarrada iyo xoojinta wada shaqeyn lagu horumarinayo maamullada Dawladaha Hoose ee dalalka xubnaha ka ah.” Duqa Muqdisho waxaa socdaalkan ku weheliya Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada ee gobolka Banaadir Marwo Basmo Caamir Axmed iyo xubno kale. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ay weheliyaan Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Jabuuti iyo Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ayaa kulan doceedyo la qaatay qaar ka mid ah madaxda caasimadaha ee ka soo qeyb galay shirkan, isagoona kala hadlay sidii la isku dhaafsan lahaa khibradaha, loona yeelan lahaa wadashaqeyn joogta ah. The post Yariisow ka qeyb galay shirka Maayarada dalalka Islmaamka appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites