Sign in to follow this  
Deeq A.

Rag hubeysan Oo weeraray shaqaale ka tirsan hay’adda Bisha Cas

Recommended Posts

Deeq A.   

Garissa ( Sh. M. Network )-Hay’adda Laan Qeyrta Cas ee dalka Kenya ayaa sheegtay in qaar ka mid ah shaqaalaheeda ay ka badbaadeen weerar lagu khaarijin lahaa, kadib markii Rasaas lagu furay Gaari ay saarnayeen 4 ka mid ah howlwadeenada hay’adda oo marayay inta u dhaxaysa deegaanada Masalaani iyo Ijaara ee maamulka Garissa gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.

Bisha Cas ayaa xaqiijisay in weerarkaasi uu dhaawca ka soo gaaray mid ka mid ah shaqalaheeda oo la socday Gaarigaasi.

Shaqaalaha Hay’adda Laan Qeyrta Cas ayaa la sheegay in ay ku sii jeedeen deegaano ka tirsan Garissa, si ay u soo indha indheeyaan maashariicyo ay ka wadaan halkaasi.

Ma jirto illaa iyo haatan cid sheegatay masuuliyadda weerarkaasi, balse inta badan Al Shabaab ayaa weeraro ku qaada Gawaarida isaga kala goosha deegaanadaasi.

The post Rag hubeysan Oo weeraray shaqaale ka tirsan hay’adda Bisha Cas appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this