Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar lagu qaaday wasiiro iyo xubno ka tirsan Guurtida Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
WAFDIGAAS.jpg?resize=960%2C540&ssl=1wefdiga Somaliland ee saaka la weeraray

Wararka ka imaanayaa magaalada Laascaanood eee xarunta gobolka Sool ayaa sheegay in saaka weerar lagu qaaday wefdi uu hoggaaminayey wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.

Wefdi ka oo koobnaa  wasiiro iyo xubno ka tirsan golaha Guurtida Somaliland oo ka soo baxay  degmada Laascaanood,kuna sii jeeday degaanka Dhummay ee koonfurta gobolka Sool ayaa weerar jid-gal ah loo dhigay,ka hor inta aysan gaarin halkii ay u socdeen,sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Wararka horu-dhaca ah ee halkaasi ka imaanaya ayaa sheegaya in ilaa 3 askari laga dhaawacay kolonyada wefdiga Somaliland oo malayshiyaad hubaysan ay jidka u galeen wax yar uun kadib markii ay ka baxeen degmada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi.

Kolonyadii wefdiga ayaa dib ugu laabtay magaalada Laascaanood,waxaana suxufiyiinta looga digay in aysan ka hadlin wararka ku saabsan dhacdadaasi.

Mas’uuliyiinta kolonyada la socday oo awal ka soo kicitimay magaalada Hargeysa ayaa ujeedkoodu ahaa in ay ka qeyb –qaatan nabadeynta laba beelood oo ku dagaallamay degaanka Dhummay,balse waxay mudda 5 maalmood ah ku hakadeen degmada Laascaanood,kadib markii loo diiday in ay u gudbaan tuulooyinka nabadeynta laga waday.

Ergooyinkii nabadeynta ayaa diiday in cid ka socota Somaliland ay gogosha timaaddo,waxaana go’aanka salka ku hayaa mid kamid ah beelaha dagaallamay oo ka dacwootay maamulka Somaliland.

Dhinaca kale ergooyinkii nabadeynta oo ka kala socda Puntland iyo dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia ayaa maalmo ka hor  heshiis nabadeed oo hur-dhac ah dhex dhigay labada beelood,waxaana wejiga xiga ee dhamaystirka heshiiska gogoshiisa la dhigay magaaalada Jigjiga ee dowlad degaanka Soomaalida,halkaasoo ay saaka u baxeen ergooyinkii nabadeynta iyo ergooyinka labada beelood matalaya.

PUNTLAND POST

The post Weerar lagu qaaday wasiiro iyo xubno ka tirsan Guurtida Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this