Sign in to follow this  
Deeq A.

Breaking News– Madaxweyne Farmaajo oo Itoobiya ka dhaadhiciyey in Heshiiskii Dekada Beebera db loogu noqdo oo Muqdisho looga wada hadlo

Recommended Posts

Deeq A.   

20181111_093127.jpg

Warar Dublamaasiyadeed oo Warbaahinta Puntlandi.com u soo gacan galay ayaa xaqiijinaya in MadXweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu kala hadley Heshiiskii Dekada Berbera.

Dowlada Federaalka ayaa Itoobiya ka dalbatay in Heshiiska Dekada Berbera dib loogu noqdo oo Muqdisho looga wada hadlo.

Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa shaki kaga jiraa qaabka heshiiska, waxayna dooneysaa in Dowlada dhexe Soo.aaliya ay Qayb ka noqoto heshiiska uuna noqdo Mid Sadex Dal Wada saxiixdeen.

Ilo wareedyo aad ugu dhow Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa Puntlandi.com u Xaqiijiyey in Villa Soomaaliya aysan sinaba u dooneyn in wax laga badalo Qaab dhaqaaleedka heshiiskaas laakiin ay dooneyso in Heshiisku uu noqo Mid u dhexeeya Sadex Dowladood sida Soomaaliya, Emaraatka iyo Itoobiya, meeshana laga saaro Soomaaliland maadaama ay tahay maamul Goboleed.

Wararka aan helnay waxay sheegayaan In Itoobiya ay soo dhaweysay soo jeedinta Madaxweyne Farmaajo, ayna balan qaadey i ey Emaaraatka ku riixayaan iney Muqdisho yimaadaan si heshiiskaas loo sharciyeeyo.

Puntlandi.com
Adis ababa

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this