Deeq A. Posted November 11, 2018 Faahfaahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa xiisad ka dhalatay Askari ka tirsanaa ciidanka Booliska dowlad goboleedka Galmudug oo Xalay lagu dilay Magaalada Hobyo ee Gobolkaasi Mudug. Dilka askariga ayaa waxaa geystay koox hubaysan oo malayshiya-beeleed ah,sida ay sheegeen ilo-wareedyo ku sugan degmada Hobyo,waxaana arrintaasi ka dhashay xiisad u dhexaysa laba beelood. Wararku waxay intaas ku darayaan in ciidamada amniga dowlad goboleedka Galmudug ay baaritaan ka wadaan xaafadaha degmada Hobyo,si loo soo qabto kooxdii dilka geystay ee xiisadda colaadeed abuurtay. Weli ma jiro wax war ah oo maamulka Galmudu uu ka soo saaray xiisadda halkaasi ka taagan saaka oo Axad ah. PUNTLAND POST The post Xiisad dagaal oo ka taagan degmada Hobyo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites