Sign in to follow this  
Deeq A.

Afar arrin oo aan ka baranay qaraxyadii Muqdisho ka dhacay maalintii jimcaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxyadii maalintii jimcaha ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac dad badan oo rayid ah kasoo gaaray weerarka, masuuliyadiisa ay sheegteen Al Shabaab.

Weerarka oo ku bilowday Qarax lagu dhuftay Albaabka xiga dhanka xarunta Dambi Baarista, ayaa sababay dhimashada dadka shacabka ah, balse waxaa dhibaatada ugu badan geystay gaariga Labaad ee lagu aadiyay albaabka dambe ee xiga dhanka wadada Aadan Garoonka diyaaradaha.

Weerarkii shalay ayaa burburiyay dhismayaal badan oo ku yaala agagaara hotelka, waxaana durba ka bilowday halkaasi dayactir ay dadka sameynayeen.

Waxyaabo badan ayaa laga bartay weerarkii seddexda qarax ee shalay kadhacay Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, waxaana ka mid ah:-

1 – Jawaab deg deg ah: Sida Deg dega ah ee loo toogtay dadkii isku dayay inay gudaha u galaan dhismaha Hotelka waxay muujisay horumar la sameeyey. Waxaa arintaan ay u muuqataa cashar horey looga bartay weeraradii kala duwanaa ee ka dhacay hoteelada magaalada Muqdisho.

Weeraro badan oo ka dhacay Hoteelada magaalada Muqdisho ayaa ku bilowday weerar qarax gaari loo adeegsaday, waxaana kadib xigay rag hubeysan oo gudaha u gali jiray hoteelada, balse difaac adag oo la dhigay afaafka hotel-ka iyo ilaalada oo feejignaa ayaa sababay in la toogto kooxaha hubeysan.

2 – Dharka Ciidanka: Dareeska ay xirnaayeen kooxaha hubeysan ayaa abuuray shaki badan oo ahaa sida kooxaha hubeysan ay ku heleen dharkii ugu dambeeyay ee ciidamada amaanka ay isticmaalaan, waxaana laga bartay inay jiraan gacan seddexaad oo fududeysa helitaanka agabka dowladda.

3 – Qaraxyada xiga: Qaraxyada shalay dhacay waxaa dhibaatada ugu badan geystay labadii qarax ee u dambeeyay oo kooxaha hubeysan ay horey kaga fakareen goobta iyo goorta ay qarxeen, gaariga Labaad ayaa qaraxa koowaad kadib, waxaa ruuxii waday uu ula cararay albaabka Labaad ee Hotelka, isaga oo doonayay in halkaasi ay ku mashquulaan dadka ilaalada ah.

Waxaase Gaariga seddexaad uu ahaa mid goobta lagu diyaariyay, si marka dadka isku yimaadaan loo qarxiyo, waxaana labada qarax ee dambe ay ahaayeen kuwo waxyeelada ugu badan geystay.

4 – Tacsiada Kheyre: Fariinta Tacsida ah ee uu soo dhigay Ra’iisul wasaare Kheyre Bartiisa Twitter oo shacab badan ay ka jawaabeen ayaa muujisay in dhibaatada ka dhacda Caalamka ay durba ka jawaabaan madaxda dowladda halka dhacdooyinka gudaha ka dhaca aysan u muuqan kuwa daneeya.

Afhayeenka baarlamaanka ayaa kaliya tacsi ka diray weerarkii shalay, halka saraakiishii ciidamada qalabka siday seddex saac kadib weerarka ay barahooda Bulshada soo dhigeen inay ka qeyb galeen xafladda furitaanka Diyaaradda Ethiopia Airline, xitaa iyaga oo aan tacsi kasoo saarin weerarka, maadaama ay iyaga amaanka masuul ka ahaayeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this