Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Gaas oo ka hadlay is-casilaadi Shariif iyo Khilaafka Federaalka

Recommended Posts

Deeq A.   

 

FB_IMG_1538133309580.jpg?resize=640%2C42Dr Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) MW Puntland

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa mar kale ka kadlay khilaafka u dhexeeya xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo golaha iskaashiga dowlad goboleedyada.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in khilaafka labada dhinac uu salka ku hayo isfaham-darro ka jirta mabaa’diida laga aaminsanyahay nidaamka Federaalka iyo mas’uuliyadaha ay kala yeelanayan xukuumadda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Issue-ga ugu weyn oo sida anigu aan qiyaasi karo la isku’ hayaa waxa weeye isfaham-darro ka jirta dhanka mabaa’diida laga aaminsanyahay Federaalismka oo ah dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadu awoodaha see loo qaybsanayaa? Resource see loo qaybsanayaa,dhismaha dowladnimo ee Federaalismka qofba wuxuu ka aaminsanyahay” ayuu yiri mudane Gaas.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa dowladda Federaalku ku eedeeyay,in ay mar walba ku celi-celiso in ay bixisay mushaharkii ciidamada iyo shaqaalaha dowladda ,balse taasi ay ku koobantahay magaalada Xamar oo keliyah ee uusan jirin mushahar ay siiso ciidamada iyo shaqaalaha dowlad goboleedyada.

Mar la weydiiyay in dowlad goboleedyadu ay fara-marooqsanayaa awoodihii dowladda Federaalka ee arrimaha Debadda,maadaama ay heshiisyo la soo galaan dalal kale iyo shirkado kale? Ayuu sheegay in taasi uu qabo nidaamka Federaalismka,isagoo tusaale u soo qaatay in gobornatoorayaasha Maraykanku ay heshiisyo debadda ah soo galaan.

Dhinaca kale wareysigan oo VOA-du la yeelatay madaxweyne Gaas ayaa lagu weydiiyay ra’yigiisa ku aaddan is-casilaaddii Shariif Xasaan iyo in la wiiqay awooddii golaha iskaashiga? Waxa uuna dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay hab musuq maasuq ah u fara-gelisay doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya,islamarkaana hantidii umadda loo isticmaalay fara-gelintaasi.

Mudane Gaas wuxuu sheegay in Villa Somalia ay baraha bulshada ku qorto”musuq maasuq baan la dagaallanaa” balse sida uu sheegay muquq maasuq baahsan lagu sameeyay doorashadii Koonfur Galbeed,kadib markii xildhibaannadii maamulkaasi loo daabulay magaalada Muqdisho oo lagu laaluushay hantidii Qaranka,si ay u doortaan masharrax gaar ah.

PUNTLAND POST

 

The post Madaxweyne Gaas oo ka hadlay is-casilaadi Shariif iyo Khilaafka Federaalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this