Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Biixi Madaxweyne Sannad Ku Waayay Kalsoinidi Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargaysa) Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo sannad madaxa ka  jarayaa intuu Xukunka hayay ayaa gabi ahaan kal soonidi shacabka gabi ahaanba lumiyay.

9BD0755E-F9D2-4C3E-A82C-87416C6F6238.jpe

In kasta oo uu ololihi ku galay inuu go’aan adag yeelan doono hadana ficilada uu qaaday intuu xilka haya ayaa noqday midba mid ku ilow, waxaanay shacabku baraha bulshada ku falaynayeen su’aasha Ugu badan oo ahayd “Yuu la tashadaa yaase la taliya “?

Bilawgiiba waxay shacabka rer Somaliland qawad simay Mucaarid iyo muxaafid ka muujiyeen Xukuumaddii uu soo dhisay oo ahayd mid ka hosaysa filashadii laga nawilaayay, sidoo Kale Cadaaladda uu wax ku qaybiyay ayaa ahayd mid waali ah, oo ka kanaan ummaddu ka muujisay. Marka laysku daro Xilalka uu beeshiisa u magacaabay iyo kuwii magacawnaa ee uu daayay ayaa noqday wax aan la qaadan karin.

Isku shaandhayntii uu sameeyay ayaa iyana fajac iyo dhabanahays wixii hore ilaw ah noqotay Kadib markii uu noqday Madaxweynihii Ugu horeeyay ee Wasaaradda Maaliyadana beeshiisa ugu dara dheeliga ka jiray Xilalkii hore. Geesta kale Madaxtooyada oo ahayd muraayada bulshadu ka dheehato wada lahaanshaha wuxuu ku koobay ilaa Shaqaale Hosaadkii dad ka soo jeeda jufadiisa taas oo dhalisay in siyaasad hoose (Local) ah Dalka lagu hago.

Si kasta oo ay noqotayba wuxuy Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi hoos maray xitaa filashadii Dadka aan tageersanayn ka filayeen.

Khadar Xasan Aadan

Somalilandtoday/Hargaysa/Office

contact@somalilandtoday.com

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this