Sign in to follow this  
Deeq A.

SHACABKA oo si carro leh uga jawaabay QORAAL uu Kheyre soo dhigay twitter

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa jawaab soo daahday ka bixiyey weerarkii aragagixiso ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, oo lagu dilay ku dhowaad 30 qof.

Kheyre ayaa waxay ku qaadatay 15 saac inuu war kasoo saaro ficilkaas ay Shabaabka la beegsadeen shacabka, taasi oo dad badan ay ka carroodeen.

Qoraal uu soo dhigay barta twitter ayuu ku yiri “ Waxaan tacsi u dirayaa ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxa ay argagixisadu la beegsadeen dadkeenna. Sidoo kale waxaan caafimaad u rajeynayaa dhwaacyada. Hay’adaha amniga waxaan farayaa dardargelinta fulinta qorshaha amniga caasimadda ee ku xusan Tubta Amniga iyo Caddaalada”

Waxaan tacsi u dirayaa ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxa ay argagixisadu la beegsadeen dadkeenna. Sidoo kale waxaan caafimaad u rajeynayaa dhwaacyada. Hay’adaha amniga waxaan farayaa dardargelinta fulinta qorshaha amniga caasimadda ee ku xusan Tubta Amniga iyo Caddaalada.

— SomaliPM (@SomaliPM) November 10, 2018

Daaha jawaabta ka sokow, ra’iisul wasaare Kheyre ayaan si shaqsiyan u ballan-qaadin inuu wax ka qabanayo weerarada noocan ah, maadaama isaga uu madax ka yahay golaha fulinta dowladda, wuxuuna taa beddelkeeda amar siiyey hay’adaha.

Dadweynaha ku xiran barta twitter-ka Kheyre ayaa jawaabo kulul siiyey ra’iisul wasaaraha, oo xitaa qaarkood dalbaday inuu xilka isaga dego. Hoos ka aqriso qaar ka mid ah jawaabaha.

Screen-Shot-2018-11-10-at-6.51.50-AM.png Screen-Shot-2018-11-10-at-6.51.59-AM.png Screen-Shot-2018-11-10-at-6.52.12-AM.png Screen-Shot-2018-11-10-at-6.52.23-AM.png Screen-Shot-2018-11-10-at-6.52.41-AM.png Screen-Shot-2018-11-10-at-6.53.11-AM.png Screen-Shot-2018-11-10-at-6.53.21-AM.png Screen-Shot-2018-11-10-at-6.53.30-AM.png Screen-Shot-2018-11-10-at-6.54.02-AM.png Screen-Shot-2018-11-10-at-6.54.21-AM.png Screen-Shot-2018-11-10-at-6.54.51-AM.png Screen-Shot-2018-11-10-at-6.55.55-AM.png

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this