Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada amniga Oo gacanta ku dhigay Gaari laga shakiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. N. Network )-Ciidamada B ooliska Soomaaliya ayaa maanta gacanta ku dhigay Gaari looga shakiyay in ay saran yihiin walxaha qarxa.

Gaarigan oo ahaa BL, gaar ahaan kan Soomaalida ay u taqaano Hoomeyda, ayaa waxaa Ciidamada amnigu duhurnimadii maanta ka qabteen Isgoyska Taleex ee M/ Muqdisho.

Mid ka mid ah saraakiisha laamaha amniga oo qeyb ka ahaa howlgalka lagu qabtay Gaarigaasi ayaa Shabelle uga warramay arrintaasi.

Waxaana uu xusay in la qabtay  wadihii Gaariga, laguna wareejiyay Ciidanka nabad galayada Waddooyinka ee loo yaqaano Taraafikada, si loo hubiyo dukumintiyada Darawalka iyo Gaariga laga shakisanyahay.

Sidoo kale sarkaalkan oo hadalka sii wata ayaa sheegay in heegan buuxa ay ku jiraan Ciidamada amniga ee DFS, si loo xaqiijiyo amniga M/ Muqdisho.

Waxaana uu ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan laamaga amniga ee dowladda Soomaaliya.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli shalay qaraxyo is xig xigay ay ka dhaceen Hotel Saxafi iyo xarunta CID-da, kuwaas oo ay ku dhinteen dad rayid ahaa oo aan waxba galabsan.

The post Ciidamada amniga Oo gacanta ku dhigay Gaari laga shakiyay appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this