Sign in to follow this  
Deeq A.

(DHEGAYSO) Madaxweynaha Dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia oo dhigay gogol nabadeed oo lagu dhameynayo colaadii Dhummay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia, Mustafe Cagjar, ayaa magaalada Jigjiga dhigay gogol nabadeed oo lagusoo afjarayo colaada ka dhextaagan labada beelood ee walaalaha ee Bahararsame iyo Qayaat, kuwaas oo xaaladoodu ay meel xun gaartay.

Madaxweynaha ayaa labada beelood cuqaashooda udiray farriin ku saabsan in 22-ka bishaan isugu yimaadaan magaalada Jigjiga, halkaasi oo gogasha nabadu ay taalo.

Xubno kamid ah guddiga nabadaynta oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay labada beeloodba aqbaleen in howsha nabadaynta loo raro Jigjiga, maadaama horey loogu guul daraystay in la fuliyo go’aamadii kasoo baxay shirarkii hore ee ka dhacay gobolka Sool.

Halkaan hoose ka dhegayso midka caaqilada shirka.

warka daljir ciyaaraha

Puntlandi.com

 

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this