Sign in to follow this  
Deeq A.

Tirada dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii shalay Oo korortay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Agaasimaha guud ee isbitaalka Madiina Dr Maxamed Yuusuf oo warbaahinta shir jaraa’id u qabtay ayaa ka warbixiyay dhawaacyadii la geeyay isbitaalkaasi, kadib qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dr Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in 32 Qof oo dhaawac ah la dhigay Isbitaalka Madiina, 7 ka mid ah dhawaacyadaasina markii loo fidiyay adeeg caafimaad dib loogu celiyay Guryahooda.

Sidoo kale agaasimaha Isbitaalka Madiina ayaa xusay in 3 ka mid ah dhaawacyadaasi ay ku geeriyeedeeni isbitaalka 22-ka kalena qaarkood ay yihiin kuwa halis ah.

Dhanka kale agaasimaha isbitaalka Daaru-Shifa Maxamed Cabaas oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in isbitaalkaasi la geeyay 26 Qof oo dhaawac ah, halka mid ka mid ahna uu Geeriyooday.

Maxamed Cabaas ayaa sharaxaad ka bixiyay xaaladda caafimaad ee dhaawacyada la jiifiyay isbitaalkaasi.

Dhinaca kale Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta si weyn u adkeeyay ammaanka  magaalada Muqdisho.

Ciidamadan oo ah kuwa Boolis ah ayaa lagu arkayay qaar ka mid ah Waddooyinka Muqdisho, iyagoo baaritaano xoogan ka wada halkaasi.

Shalay gelinkii dambe ayey aheyd markii qaraxyo is xig xigay ay ka dhaceen agagaarka Isgoyka KMG 4 , gaar ahaan Hoteelka Saxafi iyo xarunta CID-da, kuwaas oo ay ku dhinteen ku dhawaad 20 Qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 60 kale.

The post Tirada dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii shalay Oo korortay appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this