Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga iyo Qatar Oo ka hadlay qaraxyadii shalay Ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Ankara ( Sh. M. Network )-Dowladaha Qatar iyo Turkiga ayaa iskumida uga uga hadlay qaraxyadii ay dadka badani ku dhinteen ee shalay gelinkii dambe ka dhacay M/Muqdisho.

War ka soo kala baxay wasaaradaha arrimaha dibadda ee dalalka Turkiga iyo Qatar ayaa si kulal loogu cambareeyay qaraxyadaasi.

Waxaana  laba dalba ay Tacsi u direen Eheladii ay dadkoodu ku geeriyoodeen qaraxyadaasi, iyagoona caafimaad deg-deg ah u rajeeyay kuwii ku dhaawcamay.

Al Shabab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxyadaasi oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ahaa oo ku sugnaa goobaha qaraxyada lala beegsaday.

Dowladaha Turkiga iyo Qatar ayaa ka mid ah dalalka Saaxibada dhow la’ ah ah Soomaaliya, kana taageera dhinacyada Amniga, iyo dib u dhiska dalka.

The post Turkiga iyo Qatar Oo ka hadlay qaraxyadii shalay Ee Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this