Sign in to follow this  
Deeq A.

Waftigii Ka Socday Xukuumadda Somaliland Iyo Xubnihii Golaha Guurtida Ahaa Oo Loo Diiday Inay Tagaan Deegaamada Ay Ka Socoto Nabadaynta Beelihii Ku Dagaalamay Gobolka Sool

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xubnihii golaha guurtida Somaliland ee loo xilsaaray nabadaynta Beelaha ku dagaallamay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool ayaa loo diiday in ay tagaan deegaamada ay ka socoto dedaalka lagu doonayo nabadda ee Saax-dheer iyo Dharkayn Geenyo.

45593470_762898754063260_774776559773522

Sidoo kale wasiirrada Somaliland ayaan tegay goobahaasi.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa degan Hotel Caashuura oo ku yaalla gudaha magaalada Laascaanood.

Odayaasha dhex-dhexaadinaya laba dhinac ayaa ku guulaystay in ay xabad joojin ka dhaqan geliyaan goobaha lagu dagaallamay.

Weli si rasmiya looma go’aamin halka gogosha nabadda la dhigayo laakiin warar hordhac ayaa sheegaya in ay suurtagal tahay in Jigjiga lagu qabto.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this