Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay ka wada hadleen Madaxda dalalka Soomaaliya, Ereteria iyo Itoobiya ?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Raysalwasaare Abiy Axmed iyo Madaxweyne Isaias Awerki ayaa 9-10 November, 2018 wadatashiyo xiriir ah ku yeeshay magaalada Bahr Dar ee dalka Itoobiya.

Saddexda dhinac waxay isla garteen in kulankoodan labaad uu astaan u yahay isbeddelka ku aaddan nabadda iyo isdhexgalka Geeska Afrika.

Madaxdu waxay dib u eegeen guulihii heshiiskii Asmara ee ku saabsanaa saaxiibtinnimada iyo iskaashiga saddexda dal.
Madaxdu waxay isla garteen natiijooyinka la taaban karo ee ilaa hadda la gaaray, waxayna isku raaceen inay dadaalkooda iyo garab istaaggooda isugu geeyaan xallinta caqabadaha si goonni ah iyo si wadajir ahba u waajahayaan.

Sidaasi awgeed, madaxdu waxay adkeeyeen muhiimaadda ay leedahay in la dhawro madaxbannaanida siyaasadeed iyo dhuleed ee Soomaaliya, iyo taageeradooda xooggan ee ku aaddan dadka Soomaaliyeed iyo dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxay sidoo kale [madaxdu] bogaadisay horumarka ku aaddan nabadda iyo xasilloonida ee dowladda Soomaaliya.

Madaxda dalalka Soomaaliya Itoobiya iyo Ereteriya waxay soo dhaweeyeen cunaqabaynta laga qaadayo Ereteriya iyaga oo xusay inay ku qanacsan yihiin in falkan caddaaladda ahi ka qayb qaadanayo sare u qaadidda nabadda,  horumarka iyo iskaashiga gobolka. Waxay sidoo kale dib u sheegeen inay ka go’an tahay nabad iyo iskaashi gobolka ah oo loo dhan yahay.

Madaxweynayaasha Ereteriya iyo Soomaaliya ayaa Raysalwasaare Abiy, shacabka iyo dowladda Itoobiya uga mahadceliyey soo dhawaynta diirran iyo martisoorka magaalada taariikhiga ah ee Bahr Dar loogu fidiyey iyaga iyo wufuuddooda, soo dhawayntaas oo ka tarjumaysa xiriirka dhaw isla markaana taariikhiga ah ee u dhexeeya saddexda waddan.

45742678_2178925458824153_65474464017127 45787791_2178925428824156_88290410907251

45993886_2178925388824160_50663710991308

cabdiqani Boos 

Puntland Post 

The post Maxay ka wada hadleen Madaxda dalalka Soomaaliya, Ereteria iyo Itoobiya ? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this