Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa kusoo kordhay Weerarada Qaraxyada ah ee ka dhacay Hotelka Saxafi

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa sii kordhay tirada dadka ku dhintay qaraxyadii shalay gelinkii dambe ka dhacay isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho, kuwaasi oo dad rayid ah u badnaa dadka waxyeelada ay kasoo gaartay.

Dad badan oo qabay dhaawacyo daran ayay xarumaha caafimaadka xaqiijiyeen inay u dhinteen dhaawacyadii soo gaaray, waxaana saraakiisha caafimaadka ay sheegayaan inay kordheen tirada dadka qaraxyada ku dhintay.

Dadka dhaawacyada ay soo gaareen waxaa kamid ah agaasimihii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Bahlaawi, wariye ka tirsan wakaalada Wararka Soomaaliya ee SONNA iyo masuuliyiin kale.

Dadka dhintay waxaa kamid ahaa wiilka uu dhalay C/rashiid Shire Il-Qeyte oo seddex sano ka hor lagu dilay isla hotelka, Dhaqaatiir labo bil ka hor qalin jibiyay, ciidamada amaanka iyo dad badan oo shacab ah oo saarnaa gaadiidka dadweynaha iyo Bajaajyo.

Waxaa socda baaritaanka sida ay ku suurogashay in ciidamada hubeysan ay labada dhinac ee hotelka ay dhigtaan gaadiidkii ay ku qarxiyeen shalay gelinkii dambe.

AL Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka oo dhacay shalay xilli Jimco ah oo dadweyne badan ay marayeen isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this