Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir    Axmed M.Seed   iyo Faarax Geedoole    Waxa ay ka mid yihiin   madaxda Nacabka ah ee tabashada   reer Awdal tamar galiyey !! Sababta   iyo Siday ku noqdeen bogo?

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiir    Axmed M.Seed   iyo Faarax Geedoole    Waxa ay ka mid yihiin   madaxda Nacabka ah ee tabashada   reer Awdal tamar galiyey !! Sababta   iyo Siday ku noqdeen bogo? Dr.Khadar-Libaaxley.  

geedoole-300x158.jpg

Sida  uu tibaaxayo   ninka ingiriis I.M.LEWIS   ee ku takhasusay cilmiga   hidaraaca aadamaha iyo taariikhda   buugiisa la yidhaah ( A Modern History  of Somalia : Nation and State in the  Horn of Africa ). Taariikh ahaan 1924 ayuu   ingiriiskii ilaalada Somaliland u ahaa rasmiya   u aqoonsadey dhul ku haboon ciid iyo cimilo   ahaan ba nidaamka wax-soosaarka beeraha ,beeraleyda iyo     xoolo dhaqato beeraleyda gaar ahaan degmooyinka Borama iyo   Gabiley , degmooyinka Baki iyo xeego xiligaa waxay ka mid ahaayeen   degmada Borama; Nidaamkan uu u aqoonsadey muu aheyn nidaam uu isagu   hindisihiisa iyo hirgalintiisa toona la haa waxa horey u taabo iyo tamar   galiyey ( Boqortooyadii Adal/ adari ee xarumaheedu ahaayeen Saylac iyo Herer wakhtiyadii    isxigay ).

Wasiir  Axmed M. Seed   iyo Faarax Geedoole  2dan masuul oo xil   ahaan wasaarada Beeraha  xilliyo is-xigay u kala dambeeyey   deegaan ahaana waxa ay u dhasheen  degmada xeego , waxa ay ku sifoobeen   dhaqan ah mid ka mid ah 4 tii aan sahanka   loo dirsan jirin ( Sahan Gandood ) oo ah looma aayaan   wax matare u ah dadkiisa iyo deegaankiisa ba; iyagu magac   mooyee macno iyo miciin midna uma laha dadka reer xeego iyo   guud ahaan Awdal oo ay iyaga iyo ciyaalkooduba ka soo jeedaan,  xataa kab sii jeeda umay soo jeedin taas waxa daliil u ah:

  1.  Horey    Faarax geedoole   markii uu wasiirka   beeraha ah fursadaha   gacantiisa soo maray waxa   ka mid ahaa ( Mashruucii Bariis   beerista oo 4 million dollar ahaa ( abu-riin )    mashruucii timir beerista oo la beerayey 3000   oo geed timireed ah ( Bulo-xaar ) iyo mashruucii doox   xidhista, yareynta khatarta ka iman karta oo 1 million dallor  ( abu-riin ) ,4 sanno kadib wasiir geedoole waxa loo badaley   wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare, waxa uu (Burco ka dhisay  , qalabeeyey dugsigii jarmalka ee farsamada gacanta ) , ( Ceerigaabo waxa uu  ka dhisay dugsigii sare ee Dayaxa ) ,( Hargaisa woqooyigeeda waxa uu ka dhisay   Xarun weyn oo loogu tallo galey tababarka macalimiinta Gobolada Si looga maarmo    jaamaca Camuud oo horey u fulin jirtay tababarkan dakhlina ay ka heli jirtay Jaamacada   iyo Magaalada Borame intuba ) Asteynta iyo fulida mashaariicdani waxa ay ku sumad iyo taariikhaysanyihiin  Gobolada M/Jeex, Saaxil, Tog-dheer iyo Ceerigaabo; hawl fulida mashaariicdan iyo in aaney fulin waa    arin kale oo faaqidaadiisa u baahan balse murtidu waxa ay tahay siyaasada iyo asteynta ay ku dhisantahay   xulida goobaha mashaariicdan laga hirgalinaayo.

mudane  akhriste   bal u fiirso   goobaha uu xagliye   prof. geedoole mashaariicdan    dhamaantood u asteeyey !! degmadii   xeego ama degmooyinkii kale ee Gobolka   Awdal ee isaga iyo ciyaalkiisuba ka soo jeedeen  miyaad ku aragtaan ugu yaraan hal mashruuc oo    uu ugu mano sheegto maanta ama shaley ? wasiir prof. geedoole   ma sahan gandoodnimo iyo ambad uu ahaa ayey ka aheyd mise   Amar sare oo si dahsoon loo faraayey isaguna raacaayey oo uu ka ahaa   weylo raac ujro qaata ah iyo calooshiisa u shaqeyste ayaa jirey ?

  1. imika   iyo Wasiir   Axmed Muumin Seedka    ka arimiya Wasaarada    Beeraha ee Somaliland, mido   xilleedkiisa sannad iyadoona wali   dhamaan waxa uu dalka oo dhan ka    urursaday ammaan fara-badan iyo foolaad   oo markaad milic-sato ruux diisa hoose iyo   oogadiisuba farax iyo kal furnaan darteed deexo   muusoonayaan taasi oo uu fadhiga ladi la’yahay dawaaf   dartii Gobolada dalka; horaantii horaba waxa uu soo bandhigey   qorshaha waxa uu qaban-doono oo ku asteysan goobo indha-rogosho iyo   waji-gabax mar-labaad ku riday degmada Xeego iyo guud ahaan Gobolka Awdal  intab ; wax kale maaha si kooban waxa uu fadalkiisu ka cabey horey halkii    uu wasiir geedoole waadaanka ka waraabin jiray , si dhiiran waxa uu goob walba   kaga baanaa beerista wax-soosaarka qaran ee mashaariicda banka ( Wajaale, XaaXi iyo Beer ) Xaaxi  iyo Beer xaalka oo ku soo boodo ku noqday iyo xilli roobaadkii oo wareegay ayaa dabar ku xidhay  arinkooda, balse Wajaale mashruuc la tijaabiyey oo guulesytay ayuu noqday, waxa isna ku barbar qabsadey   beerista wajaale meel kale oo mid ah banka gudoomiyahay hay’ada ka hortaga masiibooyinka ; 2daasi tacab   oo tijaabo baxey oo dalkuna si weyn ugu baahnaa wey soo go’een e’ kadaba khayr leh baynu leenahay iyo   xoojinta tashigaasi iyo joogtayntiisuba waxa laga yaabaa in uu qaranka anfaco.

Isweydiintuse    waxa ay tahay  : 1a.) horey u aragnay   wasiir geedoole e’ maxay   tahay sababta uu wasiir axmed    muumin ka wajaale, xaaxi iyo beer     asteeyey in uu waxsoosaar qaran ka soo  saaro ugu dari-waayey mashruuc haboon degmadiisii   Xeego ama Baki , Boon iyo garbo-dadar iyo xariirad   oo dhamaantood ah halka uu ka soo jeedo dhulka somaliland   ugu biyo badan, oo xataa leh biyo dabeeciya oo guudka sare   yaala???!!!

2b)   Gabiley   iyada oo   heshay 2 mashruuc   qaran oo waaweyn oo  2duba ka hirgaley banka   wajaale ee ka mid ah Gabiley    xaq iyo cadaalad miyey tahay in   aad isla Gabiley 10/31/2018 astayn   iyo dhagax dhig mashruuc 10 million dollar  ah aad ugu cuurto ? Dalku ma Gabiley oo kaliyaa   mise waa kalsooni la’aan iyo iska dhis madaxweynaha   si aad wasiir u sii ahaato ?

 3c)   Wasiir   Seed iyo  Geedoole waxaan   weydiinayaa waxaa   aad mashaariic fuliseen   wiilka iyo inanta caawa ku   ag-dhasha iyo wiilka iyo inanta   caawa xeego ama meel kale oo Awdal  ka mid ah ku dhasha oo ay daan haba-yaraatee    waxbaba meelna ugu asteynin iyamaa mustaqalkoodu u  kala iftiin muuqdaa marka laga yimaado waxa alle  u laaban???.

Maxay   tahay Sababta   ku kalifeysa in   wasiiradan iyo wasiirada   kale ee Awdal sidan u dhaqmaan    tan iyo 1993 ???

Wasiir   geedoole  iyo seed  hab-dhaqankan   kali kuma aha,  dhaqankan waxa la   wadaaga wasiir kasta   gobolkuu doono haka soo   jeede’ oo bilaa kalsooni ah   ha u badnaadeen kuwa Awdal  u dhashay, sababtu waxa ay tahay    waa dareen qaatayaal ku xisaabtama ku   raali galinta had ba madaxweynaha markaa    jooga wax-qabad cuuran si uu ugu yaraan uga   farxiyo ama uga qosliyo isagana niyadiisu u naaxdo,   halkaasna uu ka tabcado cimri dherer ka mudo xilleedka   wasiirnimo.

Marka   aan leeyahay  hab-dhaqankan waxa   ugu badan wasiirada Awdal   ka soo jeeda, waxa daliil u  ah laasimida hab-dhaqankan qar iska  tuurnimada iyo calooshiisa u shaqeystenimada     ku dhisan oo soo socday tan iyo dawladii ugu  horeysay ee Borama lagu soo dhisay 1993 waa waxa  ay ka dhalatay ( saami-doonka iyo tabashada reer Awdal  in ay dareen taban qaataan ) qudhayda qof ahaan waa dhamacda  iyo dhuxulaha igu shida in aan ka fikiro si ummadan baaqi uga   hadho in la hello xal taasi oo marka aan ka geyn waayey ila noqotay   in reer Awdal wax taransan karaan oo kaliya hadii ay hellaan ( Dawlad  Goboleed ) waa isla sababta aan u istaadho ololeheeda si bari dadkan baaqi   uga hadho, illeyn hadii la sii dugsado dadka noocaas dhaqan koodu yahay saw dabar-go     maaha arinku!!.

 

Gunaanad  iyo Gabogabo:

 

Wasiirada  Awdal u dhashey    tan iyo 1993 ma caayayo    mana aflagaadeynayo sharafka  ay sitaan ayey iga mudanyihiin   balse waxa aan maagayaa waa hab-dhaqankooda   aan xikmadeysneyn, reer gabiley meel igama jiraan   waxa ay hayaan waan hayaa iyaga iyo dhamaan somaliland   hayeeshee reer gabiley waxa aan ka leexinayaa cid kasta sifo   daran xil kaga raadinaysa iyo waliba cayuunu naaska meel walba   uga imanaya ee calooshiisa u shaqeyste kastaa la soo doonanaayo, wixii    ay hayaan hada illaahey ha u barako galiyo.

Sax   waxa ah   qof kasta oo   xil-ummada u qabta   in uu dadka iyo dalka   deegaan walba gaadho inta   masuuliyadiisu gaadheyso oo uu   ka baaqsado meel ku kuf, fursadii  uu hellaba kula dul kufo meel kaliya.

Madaxweynaha   waxa aan u soo   jeedinayaa ummada oo  dhan adiga ayaa masuul   ka ah wasiirada iyo masuuliyiinta  kale ee aad madaxda uga dhigtay wey   kuu fiicantahay in aad halbeeg ka dhigato   hubinta ah in masuulkastaa gaadhey waxtarka dadkiisa   iyo dadweynaha dalka oo dhan .

 

Dr.khadar -Libaaxley

dr.khadar05@gmail.com

gargorey4@gmail.com

Regional political analysts

 

11/5/2018

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this