Deeq A. Posted November 10, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-War ka soo baxay xafiiska caawinta Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midooibay ayaa si kulul loogu cambaareeyay qaraxyadii saddexda ahaa ee shalay gelinkii dambe ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho. Warbixinta ka soo baxday QM ayaa lagu sheegay in ay si weyn uga xun tahay qaraxyadaasi, waxaana ay sheegtay in ay ku soo aadeen, xilli dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku dadaalayaan sidii ay dib u dhis uga sameyn lahaayeen dhanka dhaqaalaha iyo ammaanka. Sidoo kale QM ayaa Tacsi u dirtay dhammaan ehelladii ay dadkoodii waxyeeladu ka soo gaartay qaraxyadaasi, iyagoo kuwii ku dhaawacmay u rajeysay Caafimad deg-deg ah. Al Shabaab ayaa sheegtay mnasuuliyadda weeraradan oo ay ku dhinteen ku dhawaad 20 Qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 40 kale. The post QM Oo Cambaareysay qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites