Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Muuse Biixi Oo Iyadoo Aan Sannad Gaadhin Ay Hadheyeen Khilafaadkii Ugu Tirada Badnaa Ee Ka Dhaxeeya Masuuliyiin Xilal Kala Duwan Haya Iyo Madaxweynaha Oo Daawanaaya.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargaysa)-Xukuumada madaxweyne Muuse Biixi oo dhawaan baarka ka jaraysa mudo sanad ah ayaa hadana waxa jira caqabado badan oo ka hor yimid mudadaas ay jirtay.

C230DDE4-6F7C-4E3D-AC07-596DF6DC8E5B.png

Caqabadaha ugu waa weyn ee ka hor yimid xukuumada oo ay ugu horayso kala qaybsanaanta bulshada ee ka dhalatay doorashadii madaxtooyada ilaa hada taagan ka sakow waxa jira kuwa ay iyadu abuurtay oo saameeyey waxqabadyadii laga filayey mudo sanad ku dhaw oo ay jirtay.

Khilaafaadka u dhaxeeya masuuliyiin ka tirsan xukuumada madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka mid ah caqabadaha ka hor yimid, iyada oo ay jiraan tiro masuuliyiin ah oo uu

dhaxeeyo is afgaran waa la xidhiidha hawlaha ay u qaabilsan yihiin qaranka. Wasiirka gaadiidka iyo horu marinta jidadka ayaa haatan ah masuulka uu khilaafku u dhaxeeyo xubno iskugu jiro wasiiro iyo maareeyayaal kuwaas oo uu ugu horeeyo maareeyaha hay’adda waddooyinka oo ay isku hayaan awoodaha ay kala leeyihiin.

Khilaafka wasiirka gaadiidka iyo maareeyaha hay’adda wadooyinka ayaa sameeyey hawlihii labadaas hay’adood ay u qaabilsanaayeen qaranka, iyada oo ay  taagan tahay shaqadii isla markaana shaqaalihii ay la kala safan yihiin labada masuul ee khilaafku u dhaxeeyo.

Sidoo kale wasiirka gadiidka iyo horu marinta jidadka Cabdilaahi Abokor ayuu khilaaf u dhaxeeya wasiirka horu marinta maaliyada Yuusuf Maxamed Cabdi, khilaafkaas ayaana labada masuul soo kala dhex galay wakhti ay go’een taarikadii cusbayd ee loogu tala galay gaadiidka ka soo dagaya dekeda magaalada Berbera.

Wasiirka horu marinta maaliyada ayuu sidoo kale khilaaf u dhaxeeyaa xisaabiyaha guud ee dawlada, iyada oo khilaafkaasi salka ku hayo ka dib markii wasiirka maaliyadu uu magacaabay masuuliyiin ka hawl gala xafiiska xisaabiyaha guud.

Sidoo kale waxa jira khilaaf u dhaxeeya maareeyaha hay’adda duulimaadyada Rodol iyo wasiirka gaadiidka iyo horu marinta jidadka, kuwaas oo isku haya qaabka ay u wada shaqaynayaan, iyada oo wasiirka gaadiidku uu ku doodayo in wasaaradiisu ay qayb ku leedahay hawlaha hay’addaasi u xilsaaran tahay maadaama oo ay gacanta ku hayso gaadiidka cirka isla markaana wasaaradiisu maamusho gaadiidka oo dhan, halka maareeye Rodol ku doodayo inaanu wasiir Cabdilaahi Abokor soo fara galin Karin hay’adda uu masuulka ka yahay oo ay kala madax banaan yihiin.

Wasiirka horu marinta beeraha Axmed Muumin Seed ayuu isagana khilaaf u dhaxeeyaa gudoomiyaha hay’adda ka hortaga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Faysal Cali Sheekh, kuwaas oo isku haya awoodaha ay kala leeyihiin iyo shaqooyinka ay u kala xilsaaran yihiin.

Gudoomiyaha baanka dhexe Cali Ibraahin(Baqdaadi) ayuu khilaaf u dhaxeeyaa agaasamaha baanka, khilaafkaas oo hore dibada ugu soo baxay ayaan la shaacin wax xal ah oo laga gaadhay.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo magacaabay dhamaan masuuliyiinta isla markaana u soo saaray xeer nidaamiye kala qeexaya hawlaha ay qaranka u xil saaran yihiin ayaan xal ka gaadhin khilaafaadkan hadheeyey xukuumadiisa, ilaa haatana ma jiro dhaqdhaqaaq muuqda oo uu madaxweynuhu doonayo inuu ku soo afjaro khilaafyadan.

Sidoo kale Bulshada ayaa u dhagtaagaysa talaabada uu madaxweynuhu ku xaliyo khilaafyadan ka dhex taagan masuuliyiinta ka wada tirsan xukuumadiisa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this