Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaliya: Qarayadii Muqdisho Ka Dhacay Oo Khasaarahoodi Sii Kordhay Iyo Warkii U Danbeeyay +SAWIRRO

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)Waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay qaraxyo ismiidaamin ah oo galabta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotelka Saxafi iyo agagaarka Xarunta CID.

1F01FDC4-7D9E-46A8-9613-886FAAF50C50.jpe 31FBA6D8-AB02-401C-B3E6-6FA530425D86.jpe

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dadka dhintay ay ka badan yihiin 15 ruux oo ahaa dad rayid ah oo ahaa dadkii wadada marayay.

Qaraxyada ayaa dhacay xilli wadada mashquul aheyd, gawaari fara badan ay wadada laamiga hormarta Hotelka Saxafi ay marayeen.

Mid ka mid ah gawaarida qaraxa uu saameeyay ayaa ahaa gaadiidka dadweynaha oo ay dad badan saarnaayeen xilliga gaadhiga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxayay wadada Laamiga ee Hotelka Saxafi.

153E8021-85A0-4713-9813-543DB3A0298B.jpe A4080C06-FA45-4A39-8BBB-017D498684E5.jpe E4275E83-804F-4E23-9483-04F507452CAE.jpe 03FFA671-132B-4B8B-8EFB-B60EA7B0E951.jpe 291905CC-B6D6-484D-A798-9D65F5851490.jpe D1D31ECD-13F6-4C61-9F18-21E2D619F8DB.jpe

Wariyeyaal goobta tagay ayaa soo sheegaya in dhimashada ay ka badnaan karto tiradaas, isla markaana uu jiro burbur xoog leh oo uu sababay qaraxyada.

Ilaalada Hotelka ayaa toogtay afar dabley oo isku dayay inay dhabarka dambe ka soo galaan Hotelka, kaddib markii ay baabuur qaraxyo ah ku weerareen albaabka hore.

Ciidamada ammaanka ayaa goobta gaaray, waxaana socda gurmadka dadkii ku dhaawacmay qaraxyada oo loola cararay Isbitaalada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyada ismiidaamin ee lagu weeraray Hotelka Saxafi iyo agagaarka Xarunta CID.

Qaraxyadan ayaa ku soo aaday, iyadoo maanta aheyd maalin jimco ah oo dadka inta badan shaqooyinka ka nastaan, balse xilliyada galbihii ayaa ah xilli mashquul ah oo dadka ay is booqdaan, isla markaana tagaan goobaha lagu shaaho.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this