Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynayaasha Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya Oo Ka Shirayaa Dhammaystirka Heshiis Saddex Geesood Ah.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis-ababa) Madaxweynaha Dalkaasi  Soomaaliya  Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa  gaadhay dalkan Itoobiya oo ay ka furmi doonaan wadahadallada dhammaystirka heshiiska iskaashiga saddex geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya.

F9B11DDA-8E3E-438D-BDAD-CAE5E5A880CD.jpe

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran garoonka diyaaradaha ee Gondar ugu soo dhaweeyey Madaxda heer Federaal iyo heer Dawlad Goboleed ee Dowladda Itoobiya kuwaas oo uu hor kacayey Ra’iisul Wasaaraha Dalkaas  Abiy Axmed.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xidhiidhka  Warbaahinta Madaxtooyada Dalkaasi Soomaliya  Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya ay socdaal dhanka dhulka ah ku tagayaan magaalada Bahra Daar ee Waqooyi Galbeed dalka Itoobiya, halkaas oo ay ku yeelan doonaan wadahadallo ku saabsan dhammeystirka heshiiska iskaashiga iyo wax wada qabsiga saddex geesoodka ah.

“Hoggaamiyeyaasha Gobolku waxa ay iska xog waraysan doonaan xaaladaha guud ee Gobolka, iyagoona si gaar ah uga wada hadli doona dhammeystirka heshiiska iskaashiga saddex geesoodka ah ee Asmara.”

Agaasime Cabdinuur ayaa tilmaamay in shirarkan wadatashiga ah ee ay yeelanayaan Hoggaamiyeyaashani ay ka turjumayaan ka mira-dhalinta dadaallada ku qotama horumarinta dalalka Gobolka Geeska Afrika iyo xaqiijinta hiigsiyada nololeed ee shucuubta walaalaha ah.

Masuuliyiinta iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa dhiggooda Itoobiya iyo Ereteriya la wadaagi doona aragtida iyo qorsheyaasha Xukuumadda Dalkaasi Soomaaliya ee ku salaysan Isbadalka  Gobolka, xoojinta iskaashiga iyo wax wada qabsiga, daris-wanaagga iyo ilaalinta xasilloonida amni iyo midda siyaasadeed ee Gobolka Geeska Afrika.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this