Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumada Muuse Biixi Oo Sanad Jirsatay Iyo Wax Qabad La,aanta Ku Habsatay..W/Q Cabdiraxmaan Cismaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxa mudo sanad ah dhamaysatay xukumada uu hogaamiyo muuse biixi waxana mudadaas muuqanayay in ay ku fashilantay hawlihii qaranka looga baahnaa in wax laga qabto dhibaatoyinka aafeeyay bulshadeena iskaba daa in wax laga qabtee way ka sii dartay markad eegto sida ay dawladu wax u wado.

4A118703-17FC-4041-BD02-D2AD769E196F.jpe

Waxanad arkaysaa dhibaatooyinka oo bulshada ku sii baahaya iyo sida aanay

xukumadu diyaar ugu ahayn in wax laga qabto
1. Sixir bararka ay bulshada Somaliland la ciir ciirayso taas oo ay waxba ka qaban kari wayday dawladu taas oo samaysay dhamaan bulshada ha ahaadeen danta yarta amaba ganacsatadaba taaso laga dareemayo suuqada dalka iyo dhaq dhaqaaqooda
2. Kala qaybsanaanta bulshada iyo kala qoqobka ku yimi midnimadii bulshada iyo waliba qabyaalada sii faafaysa
3. Siyaasada arimaha gudaha oo liidata iyo xalin la aanta dagaal beeleeyada gudaha wadanka ku soo noq noqday
4.khilaafkad masuuliynta dawlada oo iyaguna ku soo batay xukumada muuse biiixi inkasta uu waxba ka qaban waayay muse biixi masuul khilaaf ba’ an soo kala dhex galay qaarkood uu shaqadii u istaagtay khilaafkooda dartood taas oo u muuqata go aan qaadasho la aan iyo u xaglin masuuliyiinta qaarkood oo ay isku beel yihiin madaxweynaha
4.siyaasada arimaha dibeda oo hoos u dhacday iyo la jaan qaadi la aan siyaasada wadamada inagu xeeran ee geeska afrika
5. Dawlada somaliya oo siyaasadii dibeda inaga soo xidh xidhay dagaal adagna kula jirta sidii loo curyaamin lahaa dhaq dhaqaaqa xaga siyaasada dibeda ee somaliland iyo sida aanay xukumadani ula socon dhaq dhaqaaqa la wado

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this