Deeq A. Posted November 9, 2018 Muqdisho (Caasimada Online) – Laba qarax oo aad u culus ayaa goor dhow laga maqlay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Qaraxyada ayaa lagu warramayaa inay ka dhadhaceen agagaarka KM4, waxaana sidoo kale la maqlayaa rasaas xooggan oo dhaceysa. Wararka ayaa sheegaya in labada qarax ay ka kala dhaceen agagaarka hotel Saxafi iyo Xarunta CID-da ee Muqdisho. Wararka qaar ayaa sheegaya in rasaasta dhaceysa laga yaabo inay tahay in koox hubeysan ay gudaha u galeen xarumahaas. Naga filo faahfaahin dhowaan, Insha Allah Share this post Link to post Share on other sites