Sign in to follow this  
Deeq A.

5 faa’iido oo laga dhaxli doono haddii ay maamul goboleedyada dalka hoos yimaadaan dowlada dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa xoogeystay dadaallka ay dowladda dhexe ugu jirto sidii ay meesha uga saari lahayd magaca xun ee dowladnimada dalka caalamka looga yaqaan ee afka qalaad lagu yiraahdo ‘Failed State’.

Tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee dalka bilowgii sagaashamaadkii, magacaas waxa uu ahaa mid lagu sumadeeyey qarankeena, hase ahaatee, waxaa hadda muuqata in uu meesha ka bixi doono.

Waa maxay ‘Failed State’

Sida macnaha kore ka muuqata waa “Dal fashilmay”. – Goormaa la adeegsadaa, maxaa u ah astaamo?

Dal fashilmay waxaa loo adeegsadaa dal aan lahayn awood dhexe oo iyadu haysata/maamusha  awoodda xuduudaha dalkeeda.

Soomaalida ma jecla in magacaas loo adeegsado oo qaar ayaa dood ka keena sax ahaanshaha arrinkaas, hase ahaatee, waa xaqiiqo aan indhaha laga qarsan karin.

Tusaale, tan iyo markii dowladdii dhexe bur burtay, ma jirin maamul dalka oo dhan ama xataa saddex meelood meel ka arriminayey.

Yeelkeede, waxaa iminka muuqda saan saan ama callaamado muujinaya mustaqbal siyaasadeed oo wanaagsan oo ah inay Soomaaliya ugu dambeyn yeelan doonto nidaam awood leh oo wada gaara dalka oo dhan.

Fiiro gaar ah, qormadeydu ama fasiraasadda aan ka bixinayo awood dhexe ma aha mid liddi ku ah nidaamka Federaal-ka ee uu dalka qaatay, dabcan, Federal-ka  waa maamul daa daajin balse aan ka maarmin awood dhexe sida Confederation-ka.

Arbacadii waxaa xilka Madaxwenenimo ee Koonfur Galbeed iska casilay Shariif Xassan Shiekh Aadan oo sidoo kale ka tanaasulay musharaxnimadiisii uu ku doonayey in uu markale ku soo laabto.

Dowladda dhexe door weyn ayey ku lahayd go’aanka Shariif Xassan, sida muuqata ma noqon doono kii ugu dambeeyey ee ay dowladda meesha ka saarto, ee waxaa xigi doona dhamaan Madaxda Maamulada ee siyaasaddii duugowday dhabbaheedii haya.

Hadaba, maxaa laga dheefi doonaa haddii ay dhacdo in dhammaan Maamul Gobolleedyada ay noqdaan kuwo ku xiran ama hoos yimaada dowladda dhexe?

Shantan qodob ee hoose ayaa ugu waa weyn faa’ideeda ay leedahay in Federal-ku noqdo mid laga hago Villa Somalia.

1 – Ammaanka dalka oo si deg deg ah wax looga qabto

Haddii ay saanta isla helaan dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah waxaa soo deg degi doonta in laga guuleysto Al-Shabaab.

Markii hore ma jirin siyaasad mideysan ama aragti isku mid ah oo laga lahaa xorreynta dalka, waxaa middaas caddeysay sida uu u fashilmay gudigii amniga qaranka (National Security Architecture) ee uu Madaxweyne Farmaajo dhisay.

Guuldarrooyinka dhinaca amniga waxaa meesha ka saari doona siyaasad mideysan iyo talo si togan loo wada wadaago.

2 – Siyaasadda

Dowladda dhexe oo hesha awoodeeda dastuuriga, maamuladana ku ekeedaan inta dastuurka u ogol yahay waxa ay dhabbaha u xaari doontaa siyaasad middeysan in dalku yeesho tan iyo bur burkii kaddib.

Waxaa la xusuustaa sidii la’ isugu khilaafay go’aanadii Arrimaha Dibedda ee ay dowladda dheexe gaartay iyo saameyntii ay dalka ku yeelatay.

Dowlad Gobolleedyada oo hoos yimaada Muqdisho waxa ay keeni doontaa in dowladda dhexe si buuxda awood ugu yeelato isu gaar yeelidda afarta awoodeed ee gaarka u ah sida; Siyaasadda Arrimaha dibedda, Ciidanka qaranka, siyaasadda lacagta iyo Socdaalka.

3 – Dhaqaalaha

Waxyaabihii ugu waa weynaa ee curyaamiyey horeusocodka dowladnimada Soomaaliya waxaa ka mid ahaa dhaqaalo xumo oo ay keentay siyaasaddii lagu waji lahaa oo aan mideysneyn.

Haddii ay dhacdo in Maamul Gobolleedyada noqdaan kuwo ka amar qaata dowladda dhexe oo aysan sidii hore noqon ‘Qori qori ku tag” waxaa fududaan doonta kobcinta dhaqaalaha dalka.

Dowladda dhexe waxa ay awood u yeelan doontaa in ay mideyso siyaasadda dhaqaalaha dalka iyada oo mideyn doonta canshuuraha si uu u kordho dhakhliga dalka.

Waxaa sidoo kale fududaan doonta in ay dowladda soo daabacdo lacago cusub, la dagaasho musuq maasuqa, kana hortagto sicir bararka maciishadda dalka ee dalka oo dhan.

4 – Somaliland

Somaliland waxa ay muddo 30 sano ku dhaw ahayd “Budo gaar u tuman”, oo waxa ay dadaal badan u galayn sidii loo kala jari lahaa dalka.

Hase ahaatee, iyada oo ay jiraan boogo badan, tabashooyin ay qabaan, hadana tan iyo intii ay bur burtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya ma jirin nidaam awood buuxda leh oo la farriista, dhageysta tabashadooda, isku daya in uu soo celiyo midnimadii Soomaaliyeed.

Qodobaddii ugu waa weynaa ee is hortaagayey waxaa ka mid ahaa kala qeybsanaanta Koonfurta Soomaaliya iyada oo ay caqabadda ugu weyn ahayd Puntland oo isu arkeysay in ay wadahadalada labada dhinac saami ku leedahay!

Haddii ay dhacdo in Koonfurta Soomaaliya hesho siyaasad hal jiho u socota, dowladda dhexe fursad u hesho hirgalinta awoodaha uu dastuurka qabyo qoraalka ah siinayo, waxaa sahlanaan doonta in dib Somaliland loogu qanciyo in dib loo heli walaalnimadii iyo midnimadii Umadda Soomaaliyeed.

5 -Doorasho qof iyo cod

Dhammaan afarta qodob ee kor ku xusan oo la helo, kuwaas oo ku wada xiran in dowladda dhexe iyo maamul gobolleedyada isku dan iyo siyaasad noqdaan, dowladda dhexe hirgaliso qalalaase la’aan siyaasadda ay xaqa u leedahay, maamul gobolleedadu aysan xadkooda ka gudbin, waxaa dalka ka dhici doona doorasho qof iyo cod ah, shaki la’aan.

Ugu dambeyn, wey badan yihiin faa’iidooyinka laga dhaxli doono haddii ay maamulada hoos yimaadaan dowladda dhexe balse shanta aan ku soo kooban waa kuwo ugu muhiimsan, waxaase jirta oo aan xusayaa in awood loo heli doono qabyo tirka dastuurka iyo afti loo qaado.

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this