Sign in to follow this  
Deeq A.

Xilldhibaan lagu dilay Qarax ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Ugu yaraan labo ruux ayaa ku geeryootay, mid kalena wuu ku dhaawacmay kadib markii Qarax gaari uu galabnimada maanta oo Khamiis ah uu ka dhacay nawaaxiga Maqaayada London, ee degmada Xamar-wayne ee Muqdisho.

Saraakiisha amniga ayaa xaqiijiyay in Qaraxa oo ka dhashay Miino lagu soo xiray gaari uu lahaa Xilldhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dowlad goboleedka HirShabelle, kaasi oo lagu magacaabo Cabdiweli Maxamed Ibrahim

Xilldhibaan Cabdiwali iyo Darawalkiisa ayaa la hubiyay ay ku dhinteen weerarkaan, xili ruuxa kale ee dhaawacmay uu yahay Shacab, kaasi oo ka akdhawaa meesha ay wax ka dhaceen oo ahayd mid mashquul ah.

Ma jirto koox dhabarka saaratay masuuliyadda Qaraxan, oo qayb ka h falalka lagu khal-khal gelinayo nabad-gelyadda magaalo madaxda dalka, oo amnigeeda uu soo hagaagayey mudooyinkii ugu dambeeyay.

The post Xilldhibaan lagu dilay Qarax ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this