Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha wasiirada Puntland oo warbixin ka dhegaystay guddiga nabadeynta Dhummay

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkii golaha wasiirada dowladda Puntland ee Khamiista maanta ah ayaa warbixin looga dhegaystay guddiga u kuur-gelaya nabadeynta beelo ku dagaallamay degaanno kamid ah Puntland,gaar ahaanna tuulada Dhummay ee koonfurta gobolka Sool.

Guddigaan oo uu todobaadkii hore magacaabay madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa loo xil-saaray xoojinta ergooyinka ay dowladda Puntland  dirtay degaannada ay beeluhu ku dagaallameen ee koonfurta gobolka Sool,sida lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay shirkii golaha wasiirada Puntland.

Ergooyin badan oo ka kala yimid degaannada Puntland iyo dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia ayaa ku sugan Koonfurta gobolka Sool,kuwaasoo ku hawllan xallinta colaadda halkaasi ku dhex martay beelaha,waxaana haatan meel fiican maraysa hawshaasi,sida ay sheegeen guddiga Puntland u xil-saartay.

War-murtiyeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in guddigu ay si buuxda uga qeyb-qaadanayaan deminta colaaddaasi u dhexaysa beelaha walaala ee reer Puntland.

Dhinaca kale shirka golaha xukuumadda Puntland ayaa looga ahdlay qodobo kale oo ay kamid yihiin; joojinta degaameynta sharci-darrada ah iyo siyaasadda hab-raacyada maamulka shaqaalaha rayidka ah.

Halkaan ka akhriso dhammaan qodoba

KHAMIISTA-MAANTA-AH.jpg?resize=742%2C960

PUNTLAND POST

The post Golaha wasiirada Puntland oo warbixin ka dhegaystay guddiga nabadeynta Dhummay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this