Sign in to follow this  
Deeq A.

C/rxamaan C/shakuur“Shariif Xasan waa siyaasiyigii Afaraad oo awood dhaqaale ay u isticmaasho dowladda Xamar ka talisa ”

Recommended Posts

Deeq A.   

Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur n ayaa dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo waxa uu ku edeeyay in dhaqaalihii iyo hantidii umada ay u adegsanayo burburinta mamaul goboleedyada Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Shariif Xasan uu noqonayo siyaasigii Afaraad oo ay dowladda dhaqaale u isticmaasho .

Halkan ka akhriso qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

“Shariif Xasan Sh Aadan waa siyaasiyigii afaraad oo iyadoo lagu takri falayo awooda, hantida iyo waqtiga qaranku leeyahay xilka laga tuuro. Cali Cosoble, Taabit Abdi, iyo Jawaari ayaa ka horeeyey. Caqliga oranaya hadii aad iga aragti duwan tahay xilkaan kaa tuurayaa, ama waan ku weerarayaa, amaba aflagaadaan kuu miisayaa ee dhaqanka u noqday kooxda talada haysa, ma aha oo keli ah in umadda uu ka khasaarinayo xoog, hanti iyo waqti ee wuxuu dhaawacayaa kalsoonidii iyo is-aaminkii shacabka ee sanidihii tegey geedi socodka gaabiska ah lagu soo dhisay”

“Waxaa shaki lahayn in kooxdani xili ay tabar beeleen ay ka qoomamayn doonaan fal kasta oo maanta guul ugu muuqda markii ay maciin bidaan ragii ay is lahaayeen siyaaasada ayaad ka bixiseen ama waayahoodii u shalaayaan. Waxaa kaloo iyana hubaal ah in xadigga saamaynta khasaaraha iyo dhaawaca ay geysanayaan uu la ekaan doonto hadba inta uu fal celiskeenu yahay. Haddaba waa waajib Diini, Wadani, akhlaaqi ah oo dhamaanteen ina saaran in aan wiilashan xuurtaysan gacmaha qabano”

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this