Sign in to follow this  
Deeq A.

Burcad Badeed Soomalaiyeed oo lagu laayay Xeebaha Soomalaiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Koox burcad badeed Soomaali ah ayaa isku dayday in ay afduubato dooni  ganacsi oo laga lahaa dalka Taiwan, xili ay maraysay biyaha Soomaaliya dhinaca bad weynta Hindiya.

Kabtankii doonta iyo shaqaalihii saarnaa ayaa waxa u suurta gashay in ay ka bax sadaan kooxdii burcad badeeda ahayd .

Ciidamada ilaalada xeebaha Soomalaiya ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay tooga sho ku dileen kooxdii burcad badeeda ahayd ee weerartay doonidaasi   sida uu  Warbaahinta u sheegay   Ku-xigeenka Agaasimaha Hay’adda Kalluumeysiga ee Taiwan Lin Qo-ping .

Sanadadii udambeeyay waxaa hoos udhacay weeraradii burcad badeeda ,kadib markii ciidamada NATO ay kordhiyeen howlhaladooda dhinaca ka hortaga burcad badeeda ah.

Puntland  ayaa ka mid ahayd meelihii ay aadka ugu badnaayeen kooxaha Burcad badeed ah , balse Madaxweynihii hore e Puntland C/raxmaan Faroole ayaa aad ula dagaalamay kooxdaasi ,wuxuuna dhisay ciidamada ladagaalanka Burcad badeeda PMPFta lo yaqaan .

 

 

 

 

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this