Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo berri socdaal ku tegaya dalka Itoobiya (Waa maxay qorshaha?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa la xaqiijiyey in uu berri (Jimce) safar ku tegi doono dalka Itoobiya.

Safarka Madaxweynaha ayaa ku wajahan magaalada Gonder ee gobolka Bahr Dar ee dalka Itoobiya.

Sida uu boggiisa Twitter-ka ku xaqiijiyey agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed , safarka madaxweynaha ayey ujeedkiisu tahay sidii uu uga qeybgali lahaa kulan lagu dhammeystirayo heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee dalalka Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya.

Kulanka waxaa sidoo kale imaan doona Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo waliba Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, oo dalkiisu uu kulanka ka dhacayo.

Safarka Madaxweynaha ayaa qeyb ka ah dhawr safar oo uu ku tagay dalalka Eritrea iyo Itoobiya oo lagu xoojinayo xiriirka dalalka Soomaaliya jaarka la ah.

Waxaa hore Muqdisho booqasho ug yimi Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya halka Wasiirada Arrimaha Dibedda Eritrea iyo Itoobiya ay laba toddobaad ka hor iyana si wadajir ah u soo yimaadeen Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this