Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiyaha Jabhadda Xuutiyiinta Dalka Yaman Oo Sheegay In Aanay Isu Dhiibi Doonin Sacuudiga.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Yaman)-Hogaamiyaha jabhadda Xuutiyiinta dalka Yaman ayaa sheegay in uusan marnaba isu dhiibi doonin xulafada uu Sacuudigu hoggaaminayo.

104223082_b9b3ca3a-d4d2-413a-b367-5ece54

Khudbad uu ka jeediyay telefishin ayaa Cabdulmaalik Al-Xuuti waxa uu ugu baaqay taageerayaashiisu in ay iska caabiyaan weerarka dawladda ee magalaada ay jabhaduhu gacanta ku hayaan ee Xudayda.

Hogaamiyaha jabhaddani ayaa sheegay in ciidamadiisa laga tiro batay, balse aysan jirin sabab uu isu dhiibo.

Waxa uu ku eedeeyay Mareykanka in uu hormuud ka yahay dagaalka lixda maalmood ah ee ay ku dhinteen ugu yaraan 200 oo qof oo ka tirsan maleeshiyaadka Xuutiyiinta.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ay hawada ka taageerayeen dagaalka ay ciidamada dowladda Yaman dhulka ka wadeen.

Hay’adaha samafalka ee caalamiga ah ayaa ugu baaqay labada dhinac ee colaaddu ay u dhaxeyso in ay dadka rayidka ah u ogolaadaan in ay isaga baxaan Xudeyda.

Usbuucii la soo dhaafay ayaa Mareykanka waxa uu ku baaqay xabbad joojin balse dagaalka ayaa halkiisa ka sii socda.

Bartamihii bishii Juun ee sanadkan ayuaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa uu ku guul dareystay in uu isku raaco baaq ah in dalalka Sucuudi Carabiya iyo Isutaga Imaaraatka Carabta ay joojiyaan weerarada ay ku qaadayaan dekadda Xudeyda ee dalka Yaman, si gacanta Xuutiyiinta looga saaro dekaddaasi.

Balse kulan albaabadu u xiran yihiin oo ay yeesheen golaha ammaanka ayaa markale ku celiyay baaqooda ahaa in dekadda la furo.

Dekadda Xudeyda ayaa waxaa ka soo degga boqolkiiba toddobaatan allaabaha la keeno dalkaasi Yaman.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this