Sign in to follow this  
Deeq A.

Xeer Ilaaliyihii Guud Ee Maraykanka Jeff Session Oo Is-Casilay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Arbacadii shalay xilkii ka qaaday Xeer Ilaaliyihii Guud ee Maraykanka Jeff Session. Talaabadan ayaa xisbiga Dimoqraadigu ay uga digeen inuu ku joojiyo baadhista Robert Mulleur oo ah ninka baadhaya xidhiidhka lagayaabo inuu u dhexeeyey ololaha Trump iyo dawladda Ruushka.

BD5AAC91-413E-47B5-A91A-D3E627B2C42C_w10

Madaxweyne Trump ayaa dhiniciisa, fariin twitter ah oo uu soo diray, ku shaaciyey tagista Sessions, isla markaana u mahad celiyey, isaga oo sheegay in xiliga soo socda la magacaabi doono qof si joogta ah xilka u qabta.

Mr. Session ayaa warqad uu isku casilayey oo uu Trump u diray ku sheegay inuu xilka ka degayo ka dib markii madaxweynuhu ka codsaday, hadalkaas oo u muuqday in lagu khasbay inuu shaqada ka fariisto, taas oo uu horay uu diiday, isaga xitaa aflagaado iyo hoos u dhigid kala kulmi jiray madaxweynaha, ka dib markii uu Sessions shaaciyey inuu ka gaabsanayo inuu dusha kala socda baarista gaarka ee uu wado Robert Muleur.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this