Deeq A. Posted November 7, 2018 Waxaa goor dhaweyd xaqiijiyey in uu doorashada Koonfur Galbeed si rasmi ah uga haray Madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday ee maamulkaas Shariif Xassan Sheekh Aadan. Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Baydhabo ayuu uga dhawaaqay tallaabadan oo maalimihii dambe oo dhan la’isla dhexmarayey saxaafadda. Wuxuu sidoo kale iska casilay 10-ka maalmood ee xilkiisa waqtigan uga harsan. Tallaabdan ayaa imanaysa kadib markii ay jahwareer gashay doorashada la filayo in 17-ka November ka dhacdo Koonfur Galbeed kaddib markii ay is casileen inta badan gudigii doorashada haka odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ay sheegeen in ay dib u dhigeen doorashada. Go’aanka Shariif Xasan ayaa laba guul u ah madaxweyne Farmaajo Midda koowaad: Madaxweyne Farmaajo iyo Shariif Xassan in ay isku wajahaan loolan siyaasadeed ma aha markii ugu horreeysay, waxaa aad loo xasuustaa 2011 iyo Kampala Accord (Heshiiskii Kampala) Farmaajo oo ah Ra’iisul Wasaarihii xukumaddi KMG ahayd ee xillgaas ayaa waxaa lagu qasbay in uu is-casilo, waxaana dhacdooyinkaas qeyb ka ahaa oo waliba wax ka saxiixay Shariif Xassan oo xilligaas ahaa gudoomiyihii baarlamaanka. Is-casilaadda maanta ee Shariifka iyo inuusan dib ugu soo noqon hoggaanka Koonfur Galbeed, waa guul shaqsi, ama ugu yeeray aargudasho, oo Farmaajo uu ka gaaray Shariifka. Midda labaad: Iyada oo ay saddex bilood uun ka hartay laba sano in ay jirsato xukumadda Nabad iyo Nolol, hadana waxa ay u muuqataa in markii ugu horreeysay tan iyo bur burkii dowladdii dhexe Villa Somalia looga arrimin doono inta badan gobolada Soomaaliya (Maamul Gobolleedyada). Dolwadan ay hadda madaxda ka yihiin Farmaajo iyo Kheyre iyo kuwii ka horreeyey ee bur burkii kaddib, waxaa dowlada dhexe caqabad ku ahaa maamulada oo mar walba uu khilaaf u dhexeeya uga dhammaan jiray waqtiga. Hadda oo ay laba sano uga harsan tahay waqtiga ay talada hayaan, waxaa muuqata in inta badan ama dhammaan maamulada noqon doonaan kuwo ku siyaasad ah Villa Somalia. Waxaa hadda dowladda gacanta ugu jira HirShabelle iyo Koonfur Galbeed, waxaana xiga Xaaf. Rajada Axmed Madoobe ma fiicna, waxaana haray oo kaliya Puntland. W/Q: Istar Cali Mataan Toronto, Canada Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid Share this post Link to post Share on other sites