Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Arimaha Gudaha” Shariif Xasan Waxaa uu qaatay tanaasul muhiim oo loo baahnaa”

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka xukuumada Soomaaliya  Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka hadlay is casilaadii madaxweynaha Koonfur galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Eng Sabriye wasiirka arimaha gudaha ee xukuumada Soomaaliya oo maanta goobjoog ka ahaa is casilaadii Shariif Xasan Sheekh ayaa ku aamanay doorkii muhiimka ahaa ee uu ka soo qaatay dhismihii maamulka Koonfur galbeed.

Waxa uu sheegay in Shariif Xasan uu qaatay tanaasul muhiim ah oo laabanyahay uu qaatay xaalad adagna ay wajaheeysay maamulka Koonfur galbeed.

Wasiir Sabriye ayaa sheegay inay deg deg ugu soo baxeen Qalalaasaha ku yimid Doorashada la filayo inay ka dhacdo Baydhabo 17 Bishaan oo 10 Cisho ka harsan tahay.

Koonfur galbeed ayaa galeeysa waji cusub oo siyaadadeed kadib is casilaadii Shariif Xasan Sheekh Aadan madaxweynihii maamulkaasi Koonfur galbeed.

https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/11/wasiir-sabriye.mp3

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post 

 

The post Wasiirka Arimaha Gudaha” Shariif Xasan Waxaa uu qaatay tanaasul muhiim oo loo baahnaa” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this