Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Gobolka Banaadir oo Maanta soo Bandhigay Qorshaha Horumarinta Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulan_Horumarinta_Muqdisho-1.jpg?resize=Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa shir guddoomiyay kulan ku saabsan barnaamijka Horumarinta Dawladaha Hoose.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyay dhammaan ka qeyb-galayaasha waqtigooda iyo wada shaqaynta ay la leeyhiin Maamulka Gobolka Banaadir. Isagoo ku dheeraaday aragtida maamulka ee ku aaddan kor u qaadista adeegyada bulshada, Tayeynta Shaqaalaha, hagaajinta xeer nidaamiyaasha iyo habraacyada shaqo ee D/Hoose, gaar ahaan maamulka Maaliyadda iyo tan shaqaalaha.

“Waxaa shirka looga dooday waxyaabihii ka soo baxay Warbixin ku saabsanayd Qiimeynta maamulleed ee D/Hoose, taasoo la sameeyay 4 bilood ka hor, si ay aas-aas ugu noqoto qorshooyinka maamulka ee lagu horumainayo waxqabadka D/Hoose. Waxaa sidoo kale shirka laga soo jeediyay Qorshe Hoowlleedka Barnaamijka Horumarinta D/Hoose ee sanadka 2019, taasoo maamulka Gobolka Banaadir ku hoowlgali doono si ay dadweynaha dagan Mqudisho u helaan adeeg tayo leh”.

Duqa Muqdisho ayaa adkeeyey in ka maamul ahaan ay balan-qaadayaan in sidii loogu talagalay ay u fulaan qorshayaasha barnaamijka horumarinta Dawladaha Hoose qaybta Muqdisho.

Ugu dambeyn, Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galay guddoomiye ku xigeenada, Agaasimayaasha guud iyo Agaasimeyaal kale ee D/Hoose. Waxaa sidoo kale shirka goob joog ka ahaa Wakiilo ka kala socday ilaa 5 hey’adood oo UN ah ee ku bahoobay barnaamijka Horumarinta Dawladaha Hoose.

Kulan_Horumarinta_Muqdisho-2.jpg?resize= Kulan_Horumarinta_Muqdisho-3.jpg?resize= Kulan_Horumarinta_Muqdisho-4.jpg?resize=

PUNTLAND POST

The post Maamulka Gobolka Banaadir oo Maanta soo Bandhigay Qorshaha Horumarinta Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this