Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo Kismaayo ka furay shirka Wadatashiga Wasiirada Amniga Maamul Goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

AxmedMadoobe20181107.jpgMadaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta ka furay magaalada Baydhabo Shirka Wasiirada Amniga dowlad goboleedyada iyo Taliyeyaashooda Nabadsugida.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Wasiirada Amniga afarta maamul goboleed ee Puntland, Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Galmudug, waxaa horay lagu iclaamiyay shirkii Garowe bishii hore ka dhacay, kaasoo maamul goboleedyada afarta ah isku raaceen inay sameysaan Ciidan iyo Sirdoon u gaar ah.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa furitaanka shirka ka sheegay in ay Wasiiradu qiimayn ku samayn doonan xaalada amni kadibna ay go’aamo ka gaari doonaan howlaha horyaala oo ay ugu muhiimsan tahay dhismaha Ciidamada isku dhafka ah.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay ka soo dhalaali weyday kaalinta amniga, taas bedelkeed ku mashquushay burburka dalka iyo carqaladeynta maamulada sida uu yiri.

Waxaa uu sheegay inay dardar galin doonaan iskaashi buuxa oo dhinaca ammaanka ah, isla markana Ciidamada la isku keeno ay fulin doonaan howlgalo qorshaysan oo lagu xasilinayo dalka.

Axmed Madoobe ayaa tilmaamay maamul Goboleedyada hadba sida ay ugu kala muhiimsan yihiin dhinaca amniga howlgalada loo qaybsan doono, isla markana la cirib tiri doono kooxda Al-Shabaab sida uu yiri.

Shirka ka furmay Kismaayo ayaa inta uu soconayo lagu falanqeyn doonaa iskaashiga dhinac amniga iyo isku dhafka Ciidamada maamul goboleedyada laga keenayo sidii loo bilaabi lahaa qorshahooda ugu horeeya, iyadoo Jubbaland ay hormuud ka noqon doonto.

Puntlandi.com

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this