Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG-DEG:- Madaxweyne Shariif oo ugu dambayn iscasilay kana baxay loolankii doorashada koonfut galbeed.

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Puntlandi) Madaxweynihii Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Shiikh aadan ayaa iska casilay Xilkii Madaxweynaha, isagoo sidoo kale tanasulay u tartamida Xilka Madaxweynaha Maamulkaas.

Shariif-ka oo shir Jaraa’id ku qabtay Magaaladda Baydhabo ayaa sheegay in uu u tanasulay Umadda koonfur Galbeed Soomaaliya, oo sanado uu soo maamulayay, islamarkaana uu diiday in la niyad jabiyo shacabka.

Kulamo aan loo kala kicin oo ka dhacay Madaxtooyada, una dhaxeeyay Shariif Xasan iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye iyo wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Sabriye ayuu Shariifka ku go’aansaday in uu Tanasulo, islamarkaana doorashada koonfur Galbeed Soomaliya ay waqtigeeda ku dhacdo.

Dhanka kale Guddoomiyaha Baarlamaanka C/Qaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa si KMG ah xilka madaxweynaha usii hayn doona, waxaana la filayaa in doorashada Koonfur Galbeed ay ku dhacdo waqtigii loogu talo-galay.

Puntlandi.com

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this