Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Yariisow Oo AMISOM kala hadlay dadkii shalay lagu dilay Heliwaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Dua Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow ayaa Taliyaha AMISOM kala hadlay Dhacdo dad rayid ah lagu dilay oo ay ku lug yeesheen Ciidamada AMISOM.

Eng: Yariisow ayaa sheegay in Taliska AMISOM uu muujiyay sida uu kaga xun yahay in dad rayid ah la dhibaateeyo, wuxuuna codsaday in Baaris dhab ah uu ku sameynayo cidii ka dambeysay falkaasi, sidoo kale wuxuu Taliska AMISOM balanqaaday inuu la kulmayo Qoysaskii dhibaatadu gaartay.

“Taliyaha AMISOM ayaan kala hadlay dhacdadii shalay ciidamo AMISOM ay ku dileen dad rayid ah degmada Heliwaa, una sheegay inaan la aqbali karin shacab in wax loo geysto. Waxaana ka dalbaday inuu baaris dhab ah ka sameeyo, waxuuna ii ballanqaaday in AMISOM ay qoysaskii dhibaatadu soo gaartay ay la kulmayaan, tallaabo adagna laga qaadi doono cidii falkaas ku kacday”.ayuu yiri Guddoomiye Yariisow.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa isla shalay oo falkan uu ka dhacay degmada Heliwaa sheegtay in ay baarayso sida ay wax u dhaceen.

Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda Caalamka waxaa ka go’an la dagaallanka argagixisada Alshabaab iyo wixii la hal maala, sidoo kalena waxaa dowladda ka go’an dhowrista bad-qabka shacabka Soomaaliyeed oo ah kan dartiis dagaalka loogu jiro.

The post Guddoomiye Yariisow Oo AMISOM kala hadlay dadkii shalay lagu dilay Heliwaa appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this