Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaano ka tirsan K/ Galbeed Oo ku laabtay magaalada Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo ( Sh. M. Network )-Ku dhawaad 50 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Xildhibaanadan oo maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in si weyn loogu soo dhaweeyay gudaha magaaladaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xubnahani ay ka qeyb gali doonaan kulan degdeg ah oo uu guddoonka Baarlamaank Koonfur Galbeed isugu yeeray Xildhibaanada maamulkaasi.

Xaaladda K/ Galbeed ayaa kacsan, iyadoona laga yaabo in dib u dhac uu ku yimaado doorashada maamulkaasi oo la filayo in ay dhacdo 17-ka bishan November ee 2018-ka.

The post Xildhibaano ka tirsan K/ Galbeed Oo ku laabtay magaalada Baydhabo appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this