Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhegayso) Xildhibaan Mahad Salaad ” Heshiiskii AMISOM ee Soomaaliya ma waxa uu noqday in la xasuuqo shacabka Soomaaliyeed ?

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in  xasuuqii ay shalay gaysteen ciidamada AMISOM  u ahaa mid ka baxsantahay heshiiskii ay AMISOM ay ku joogtay dalka Soomalaiya , xadgudub iyo niyad jabna  ay ku tahay arintan   shacabka Soomaaliyed.

Xildhibaanka ayaa sheegay in  Baarlamaanku  ay arintan uu  go,aan ka gaari doonaan .

Halkan ka dhegayso.

      Xildhibaan Mahad

Dhanka kale Eheladda dadkii ay xasuuqeen Ciidamada AMISOM ee kusugan magaalada Muqdisho , ilaaladana u ahaa  dowladda Madaxweyne Farmaajo ee aan soo dhaafin Muqdisho , ayaa waxa ay wacad ku mareen in aan la aasi doonin dadkii shalay sida xaqdarada ahayd loogu laayay magaalada Muqdisho.

Waxa ay baaq udireen Ururada u dooda xuquuql insaanka  iyo beesha caalamka in ay arintan wax ka qabtaan.

 

Ciidamada AMISOM ayaa caadeystay xiliyada ay isticmaalayaan wadooyinka magaalada  Muqdisho oo ay Al-shabaab qarxiso in ay xasuuqaan dadka shacabka ah ee markaasi ka agdhaw halka uu qaraxu uu ku haleelo.

Halkan ka dhegayso ehelada dakii lagu laayay shalay Muqdisho.

      Ehelada dadkii la xaquuqay

o.

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this