Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulamo iska soo horjeeda Oo Xalay ka dhacay  M/ Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo ( Sh. M. Network )-Waxaa xalay kulamo siyaasadeed oo iska soo horjeeda ay siyaaba kala duwan ka dhaceen gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Kulamadan ayaa waxa ay u dhaxeeyeen Xildhibaano ka tirsan BFS, Mas’uuliyiin ka mid ah madaxda maamulka K/ Galbeed iyo xubno ka tirsan guddiga doorashada maamulkaasi.

Intooda badan waxaa diirada lagu saaray kulamadani xaaladda Koonfur Galbeed, gaar ahaan arrimaha doorashada iyo sidii ay ugu qabsoomi laheyd waqtigii loogu talagalay.

Dhinaca kale Nabadoon Axmed Xaaji Dulmidiid oo ka mid ah waxgradka deegaanada Koonfur Galbeed oo la hadlay Shabelle ayaa baaq u diray dowladda Soomaaliya.

Nabadoon Dulmidiid ayaa ka codsaday madaxda DFS in ay tallaabo ka qaadaan cidkasto oo marin habaabineysa shacabka maamulkaasi, gaar ahaan Odayaal uu sheegay in shalay Baydhabo ay uga dhawaaqeen in dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha K/ Galbeed.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

 

The post Kulamo iska soo horjeeda Oo Xalay ka dhacay  M/ Baydhabo appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this