Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo war kasoo saartay gadiid ay leedahay oo lagu rasaaseeyay duleedka Cadaado

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka uu cambaareeyaynayo weerar iyo ishor-istaag lagu sameeyo Kolanyo UN-ka leedahay oo maraysey inta udhaxeysa wadada Galkacayo iyo cadado, maalintii Sabtida 3-dii bishan.

Kolanyadda oo ay galbinayeen tobaneeyo ciidamo Boolis ah oo ka yimid Koonfurta magaalada Galkacayo oo uu maamulka Galmudug ka armiyo ayaa waxaa ku joojiyay meel 5 KM ka baxsan duleedka magaalada Cadaado Sideed ruux oo sheegatay inay saraakiil Boolis ay yihiin.

Raggani ayaa la sheegay in kolonyada UN-ka ay u diideen in wadada ay adeegsadaan si ay ugaalaan magaalada Caadado halkoo Kooxda Qaramada Midoobay ay qorshaynaysay in ay diraariso booqasho Dhusamareeb ay ku tagi laahayen mas’uuliyiin ka tirsan Jamciyada Qurumaha ka dhaxeysa.

Intaasi wixii ka dambeeyay kolonyadii Qaramada Midoobay  waxa ay ku go’aansatay in ay dib ugu laabtay magaalkada Galkacayo oo ay kamiyadeen xiligaasi balse maleehsiyaadkaasi ayaa rasaas hubiyay Gawaaridii Qaramada Midoobay waxaa ayna sheegeen in aysan jirin wax dhaawac oo shaqaalahooda kasoo gaaray dhacdadasi, balse ay gadiidkoodu waxyeelo kasoo gaartay.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay ay ugu baaqeyso dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamul goboleedka Galmudug inay talaabo ay ka qaado maleyshiyaadkii falkaan sameeyay.

Hadalka Qaramada Midoobay ayaa imaanaya xilli u taagan yahay khilaaf xoogan oo u dhaxeeya madaxda maamulka Galmudug ee kala fadhiya magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb, kuwaasi oo kala ah xarunta Baarlamaanka iyo caasiamda rasmiga ah ee maamulkaan.

The post QM oo war kasoo saartay gadiid ay leedahay oo lagu rasaaseeyay duleedka Cadaado appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this