Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqalka sare oo warbixin ka dhageystay maamulka JUS

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kal-fadhigii afaraad kulankiisii Lixaad maanta ku yeeshay Xarunta Golahaasi ku leeyahay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Kulanka maanta ajandahiisu waxaa uu ahaa labo qodob oo kala ah; in ay Xildhinaanadu ka doodan wax ka badalka iyo wax ku darida xeer hoosaadka Aqalka Sare iyo dhageysiga warbixinta Maamulka Jamaacada Umadda Soomaliyeed [JUS].

Gudoomiyaha gudiga xeer hoosaadka Golaha, Xassan Faarax Xujaale ayaa ugu horeyn Xildhinaanada u sheegay in maanta dib loo celiyay qodobka ku aadan ka doodista xeer hoosadka golaha sababo la xiriira codsi qoraal ah oo uu gudoonku mudanayaasha usoo gudbiyay.

Gudoomiayaha Golaha, Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa sheegay in isagu uu xubnaha uga codsadey qoraalka usoo gudbiyay dib u dhigista qodobka ku saabsan ka doodista wax ku darida iyo wax ka badalka xeer hoosaadka golaha aqalka sare sababo la xiriira sixid guud oo uu u baahan.

Dhinaca kale, Xildhinaanada ayaa ansixiyay in warbixin laga dhagaysto Maamulka Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed [JUS].

Intaasi kadibna waxaa la guda galay dhageysiga warbixin dheer oo la xiriirta Taariikhda Jamaacadda Umadda Soomaaliyeed oo la aas-aasey 1950kii, qaybaha ay ka koobnayd iyo kuliyadaha ay jaamacadu bixin jirtay.

Sidoo kale, maamulka ayaa ka sheekeeyay saameynta ay dagaaladii sokeeye ku yeesheen Jaamacadda Soomaliyeed oo ay ugu horeyso in burburiyay kaydkii jaamacadda iyo in xarumaheedii laga dhigtay guryo ay dagan yihiin dad shacab ah qaarkoodna dhulka lala simay.

Hoos ka dhageyso warka oo cod ah

 

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Cod.mp3

The post Aqalka sare oo warbixin ka dhageystay maamulka JUS appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this