Sign in to follow this  
Deeq A.

Breaking– sawiro.. Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed oo ku dhawaaqay in Doorashadii dib loo dhigay Isla markaasna Cambaareeyey Villa Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   


20181106_141754.jpg
Shir Jaraa’id oo ay qabteen Odoyaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed ayay ku sheegeen in Doorashadii Koonfur Galbeed Dib loo dhigay.

Odoyaashu waxay Saxaafada u aqriyeen Qoraal fheer oo ay Warsaxaafadeed ahaan usoo wada diyaariyeen , Waxayna Yiraahdeen sidaan..

“Waxaa la qorshaynayay in Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ay dhacdo 17 November, Waana Doorashadii ugu horaysay oo Mudanayaasha Baarlamaanku ay dooranayaan Madaxweyne,Wayna ka duwan tahay Doorashadii hore ee Odayaasha dhaqanka iyo Ergo ay soo xuleen ay doorteen Madaxweyne, intaas kadib waxaa dhacday in Doorashadii la filayay iney dhacdo 17 November ay faragalin qaawan ku soo qaadey Dpwlada Federaalka, Faragalintasoo ah in ay qaar kamida Murashixiinta ay usoo dhiibeen lacago farabadan ayba qaar la safteen,Waxas intaas dheer Laaluush iyo iney Xildhibaanadii Koonfur Galbeed ay Xamar daabuleen ayna Laaluush siisay iyadoo Xukuumada Federaalku amar ku siisay iney doortaan Musharax ay Iyagu(Villa Soomaaliya) wataan. Sidaas awgeed waxaan go’aan ku gaaray in Doorashada dib loo dhigo.”

Go’aanka Odoyaashu gaareen ayaa difaacaya taageerayana sababtii ay xalay isugu casileen Gidiga Doorashada iyo Hadalkii Madaxweyne Shariif ee ahaa in Villa Soomaaliya ay qas iyo Fowdo ka baxsan Dimoqoraadiyada ay ka wadaan Baydhabo .

Dhanka kalena lama sheegin wakhtiga doorashada dib loo qabanayo.

Puntlandi.com

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this