Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax xoogan oo Muqdisho lagula eegtay AMISOM iyo ciidamada oo xasuuqay shacabkii ka ag dhawaa goobta

Recommended Posts

Deeq A.   

Qarax xoogan oo ahaa nooca Miinada dhulka lagu aaso  ayaa ciidamada AMISOM waxaa lagula eegtay   Isgoyska Ex-koontorool Balcad ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa wax uu khasaare xoogan uu ka soo gaaray  kolonyadii ay wateen Ciidamada AMISOM.

Markii uu qaraxa haleelay ciidanka ayaa waxa ay bilaabeen in ay si toos ah  ay u toogtaan dadkii ka ag dhawaa goobtii uu qaraxa ka dhacay .

Afar ruux ayaa ku dhintay  toogashadii ay sameeyeen ciidamada AMISOM ,mana jirto ilaa iyo hada cid ka hadashay  oo dowladda farmaajo ka tisan .

Ehelada dadkii ay dileen ciidamadan ayaa sheegay in aan la aasi doonin dadkan ilaa cadaalada la keeno ciidamadii falkan ka dambeysay .

 

 

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this