Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS oo baareysa dhacdo ay ciidamada AMISOM ku dileen 4 ruux

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay la socoto dad rayid ah oo waxyeelo kasoo gaartay dhacdadii ay ku lug lahaayen ciidamadda AMISOM ee saaka ka dhacday degmada Huriwaa ee Gobalka Banaadir, iyadoona baaritaano ay socdaan sida lagu sheegay War kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta oo sidan u qornaa:-

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay la socotaa dhacdo ay dad rayid ah waxyeello ka soo gaartay oo ka dhacday degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, taas oo ay ku lug leeyihiin ciidanka Nabad Ilaalinta AMISOM.

Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda Caalamka waxaa ka go’an la dagaallanka  Alshabaab iyo wixii la hal maala, sidoo kalena waxaa dowladda ka go’an dhowrista bad-qabka shacabka Soomaaliyeed oo ah kan dartiis dagaalka loogu jiro.

Dowladdu waxa ay waddaa baaritaan la xiriira dhacdada maanta, iyadoo bulshada la wadaagi doonta wixii ka soo kordha, waxeyna Ka xuntahay waxyeelo gaarta shacabka Soomaaliyeed.

Amisom gaar ahaan kuwa dalka Burundi ayaa saakay qof oo shacab ah kudliay inta u dhaxaysa Ex kontorool balcad iyo soos ee degmada Hiliwaa”.

The post DFS oo baareysa dhacdo ay ciidamada AMISOM ku dileen 4 ruux appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this